Mareykanka iyo Shiinaha oo wada hadlaya. Maxaa keenay in ay waqtigan wadahadlaan?

Mareykanka iyo Shiinaha

Dagaalka ganacsiga ee Maraykanka iyo Shiinaha

 Dagaalka ganacsiga ee Maraykanka iyo Shiinaha ayaa laga yaabaa inuu hakad galo, iyadoo labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan dunida ay wada-hadallo uga billaaban doonaan Switzerland saraakiisha sarsare ee ganacsiga labada dhinac ayaa ku kulmi doona maantay oo Sabti ah kulankii ugu horeeyay ee heer sare ah tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Shiinaha ku soo rogay canshuur bishii Janaayo

Beijing ayaa markiiba ka falcelisay

Beijing ayaa markiiba ka falcelisay, waxana arintaasi ka dhashay ismariwaa xooggan oo labada dal uu midba midka kale ku soo rogay canshuuro canshuuraha cusub ee Mareykanka uu ku soo rogay badeecadaha Shiinaha uu soo dejiyo ayaa gaaraya 145%, qaar ka mid ah waxyaabaha uu Mareykanka u dhoofiyo Shiinaha ayaa wajahaya canshuur dhan 125% waxaa jiray toddobaadyo dag, mararka qaarkoodna xamaasad leh, halkaas oo qolo kastaaba ay doneysay in ay tan kale u sawirto xaalad quus ah

Haddaba dhamaadka toddobaadkan

Haddaba dhamaadka toddobaadkan waxay isku arki doonaan miiska wada xaajoodka In kasta oo ay jiraan arima badan oo middi middi ku tag ah, labada dhinacba waxa ay dirayeen calaamado muujinaya in ay doonayaan in ay ka gudbaan ismari waaga marka taas laga yimaado ma cadda cidda marka hore soo debci doonta labada dhinac midkoodna ma doonayo inuu u muuqdo in uu dib u laabanayo," ayuu yiri Stephen Olson, oo ah oo k tirsan Machadka ISEAS-Yusof Ishak ee Singapore, horeyna u ahaan jiray wadaxajoodaha ganacsiga Mareykanka

Wadahadallada ayaa hadda dhacaya sababtoo ah labada waddan waxay ku qiimeeyeen inay hore u socon karaan iyagoon u muuqan inay is dhiibeen si kastaba ha ahaatee, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Lin Jian ayaa carrabka ku adkeeyay Arbacadii in "wadahadallada lagu qabanayo codsi ka yimid Mareykanka waxayna wasaaradda ganacsigu u qaabaysay sidii ay uga faa'iidaysan lahayd Washington, iyadoo sheegtay inay ka jawaabayso "baaqyada ganacsatada iyo macaamiisha Maraykanka

Si kastaba ha ahaatee maamulka Trump ayaa ku andacoonaya inay yihiin mas'uuliyiinta Shiinaha kuwa doonaya inay "ganacsi sameeyaan" sababtoo ah "dhaqaalahooda ayaa sii dhacaya waxay yiraahdee waan bilownay? Hagaag, waxa aan u maleynayaa inay tahay inay dib u laabtaan oo ay daraaseeyaan faylalkooda," Trump ayaa sidaasi ka sheegay Aqalka Cad Arbacadii

Waxa uu Jimcihii marti-sharaf ka ahaa dhoolatuska maalinta guusha Moscow oo lagu xusayay sannad-guuradii 80-aad ee kasoo wareegtay guushii ay ka gaareen dagaalkii labaad ee Adduunka ee Nazi-ga Jarmalka Xi waxa uu garab taagnaa hogaamiyayaasha koonfurta ee caalamiga ah – taas oo xasuusineysa maamulka Trump in Shiinuhu aanu kaliya haysan ikhtiyaar kale oo ganacsi, laakiin sidoo kale ay isu soo bandhigayaan sidii hogaamiye caalami ah oo kale

Post a Comment

0 Comments