AFRICOM oo ka digtay kororka xawliga ah ee kooxda Daacish ee Afrika

AFRICOM

Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in walaaca

 Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in walaaca sii kordhaya ee ku aaddan weerarrada kooxaha argagixisada gaar ahaan Daacish ee ka dhaca Galbeedka Afrika iyo xaaladda murugsan ee Soomaaliya ay sabab u noqdeen in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) dib u eegto istaraatiijiyaddeeda Afrika

Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee Afrika

Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Janaraal Michael Langley, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka Saaxil ay si xawli ah u kordheen saddexdii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu uga digay in haddii aan wax laga qaban kooxahan ay dhawaan heli karaan awood ay weerarro kaga fuliyaan gudaha Mareykanka

In kasta oo Janaraal Langley uusan si cad u sheegin 

In kasta oo Janaraal Langley uusan si cad u sheegin in Mareykanku yareynayo tirada ciidamadiisa ku sugan Afrika, haddana wuxuu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda sugidda amniga ay tahay mid ay tahay in ciidamada Afrikaanka ah si buuxda u qaataan

Istaraatiijiyaddeennu waxay ku dhisan tahay iskaashi waa yool wadaag ah oo lagu sugaayo amniga dalalkayaga iyo kuwa saaxiibadeenaba,” ayuu yiri. “Waa dhisidda awood waarta, ma aha ku tiirsanaan. Waa maalgashi lagu sameynayo awoodda Afrika ee xalinta dhibaatooyinka Afrika

Janaraal Langley, oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Mareykanka islamarkaana hoggaaminaya AFRICOM tan iyo 2022, ayaa tilmaamay in gobolka Saaxil uu hadda noqday “xuddunta” argagixisada Afrika. Wuxuu sheegay in kooxaha Al-Qaacida iyo Daacish ay si firfircoon uga howlgalaan dalalka Burkina Faso, Mali, Niger, iyo Nigeria

Mid ka mid ah yoolalka cusub ee kooxaha argagixisadu waa inay helaan marin xeebeed oo ay uga gudbaan Galbeedka Afrika,” ayuu yiri Langley, isagoo la hadlayay weriyeyaasha sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladdan ay si weyn u kordhin karto halista ah in weerarro lagu qaado xeebaha Mareykanka

Waxaan luminay awooddii aan si dhow ula socon jirnay dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada,” ayuu yiri jimcihii la soo dhaafay, Janaraal Langley wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay taliyayaal ciidan oo Afrikaan ah, shir looga hadlayay xaaladda amni ee qaaradda Afrika

Isagoo ka hadlayay arrimaha Soomaaliya, Langley wuxuu sheegay in AFRICOM ay laba jibbaartay weerarrada cirka ah ee ay halkaas ka fuliso sanadkan. Wuxuu xusay in in ka badan 25 weerar la qaaday, taasoo ka badan tiradii sanadkii hore oo dhan si kastaba, wuxuu hoosta ka xariiqay in guusha waarta aysan ku imaan karin keliya awood ciidan, balse loo baahan yahay istaraatiijiyad ballaaran oo wax ka qabata sababaha salka u ah xasillooni darrada.

Post a Comment

0 Comments