Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay horjoogihii ugu sarreeyay Al shabaab ee shirqoolada iyo Dilalka

Dowladda Soomaaliya

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

 Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa xaqiijiyay geerida Cabaas Maxamed Hool oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay Muqdisho iyo Shabeellooyinka war saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca looga qaaday in Cabaas Hool uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray howlgal qorsheysan oo ay horay u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya

Waxaana ay xusatay in xaaladiisa ay ka sii dartay

Waxaana ay xusatay in xaaladiisa ay ka sii dartay sababo la xiriira dhaawacyo iyo xanuuno ka dhashay Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay Al shabab  ka fuliyaan Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle, ayaa u geeriyooday dhaawacyo oo ka soo gaaray howigal qorshaysan oo Ciidanka Qalabka 

Sida horay ugu beegsadeen kuwaas oo markii dambe

Sida horay ugu beegsadeen kuwaas oo markii dambe ku sababay xanuuno kale oo ku keenay inuu noqdo dhulyaal." ayaa lagu warka kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ninkaan lagu magacaabay Cabaas Hool waxa uu ku biiray kooxda Al-shabaab 2007dii, waxaana uu ka gaaray darajooyin isaga oo noqday mid ka mid ah horjoogayaashoodi sare sida ay xustay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Waxa uu ku lug lahaa weeraro badan oo lagu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah iyo xarumaha danta guud ee caasimadda iyo gobolada ku xeeran sida lagu yiri War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu soo gabagabeeyay inaysan jirin meel ay uga baxsan karaan gacanta Ciidanka Qalabka Sida iyo cadaaladda, horjoogayaasha Kooxda Al-shabaab

Post a Comment

0 Comments