Ma waligaa ma la yaabtay marka aad jebiso
Ma waligaa ma la yaabtay marka aad jebiso qumbaha inaad aragto biyo ku jira gudihiisa? Ma is weydiisay waligaa sida biyahaas ay ugu galeen gudaha siidee bay biyaha macaan ee qabow ee ku jira qolofka qumbaha ee ku koraya geedka u egyihiin biyaha nadiifka ah waxay leeyihiin nafaqooyin kaa bi'iya harraadka waxayna isla markiiba ku siinayaan tamar xilliga kulaylaha qumbaha da'da yar ee leh midab cagaaran wuxuu leeyahay biyo badan marka loo eego qumbaha bislaaday, kaas oo isku beddela midab bunni ah
Geedka qumbaha waxaa loo yaqaannaa "geedka nolosha
Geedka qumbaha waxaa loo yaqaannaa "geedka nolosha" sababtoo ah qayb kasta oo ka mid ah geedkan waxay faa'iido noogu leedahay siyaabo kala duwan geedaha qumbaha waxa laga helaa dhulalka kuleylaha ah (tropikalka) ee ku kala yaalla daafaha dunida kahor inta aynaan fahmin sida biyaha ugu samaysmaan gudaha qolofka qumbaha, waa in aan marka hore ogaano qaab-dhismeedkiisa
Qumbuhu wuxuu leeyahay saddex lakab oo loo yaqaan
Qumbuhu wuxuu leeyahay saddex lakab oo loo yaqaan: exocarp, mesocarp, iyo endocarp Exocarp waa lakabka ugu sareeya ee qumbaha, kaas oo ah cagaaran oo jilicsan lakabka xargaha leh ee hoos uga jira cagaaridaas waxaa la yiraahdaa mesocarp. Endocarp waa lakabka ugu hooseeya ee gudaha kaas oo ilaalinaya "hilibka" cad ee jilicsan ee ku jira gudaha, kaas oo adkaada marka qumbuhu bislaado.
Qaybta labaad waa biyaha ku jira gudaha biyahani waxay ku samaysmaan marka qumbuhu korayo Sida lagu sheegay cilmi-baaris ka timid Xarunta Qaranka ee Macluumaadka Bayooteknolojiyadda ee Mareykanka biyaha ku jira qumbaha waa dareere sifaysan oo nadiif ah
Cilmi-baaristaas waxay soo jeedinaysaa in biyaha ay ka yimaadaan xididdada geedka oo ay ugu gudbaan gudaha qumbaha iyagoo maraaya habka xididdada iyo dhuumaha geedka ee u qaabilsan qaadista biyo iyo nafaqooyin cilmi-baaristaan waxay sharraxday habka ay biyaha uga samaysmaan gudaha qolofka qumbaha
Xididdada geedka qumbaha waxay ku fidaan dhulka hoostiisa oo ah si qoto dheer oo u dhexeeysa hal mitir ilaa shan mitir. Xididdadani waxay soo nuugaan biyaha hoos yaalla ee nafaqooyinka leh oo laga helo ciidda ku hareeraysan markaas ayaa biyahaasi loo qaadaa dhanka kore iyagoo maraaya jirida geedka, ugu dambeynna waxay gaaraan qumbaha laftiisa
Qolofka hoose ee qumbaha ee loo yaqaan 'endocarp' ayaa haya biyahaas gudaha ah dareerahaas nafaqo leh ee biyaha ah ayaa ka qeyb qaata sameysanka hilibka cad ee qumbaha marka uu bislaado ugu dambeyn, biyaha ayaa si buuxda u gala gudaha qumbaha
0 Comments