4 Xiddig Oo Ay Man United Iska Iibinayso Si Ay Ula Soo Saxiixato Matheus Cunha

CIYAARAHA SPORTS

Marcus Rashford waa mid ka mid ah afar ciyaaryahan

 Marcus Rashford waa mid ka mid ah afar ciyaaryahan oo Manchester United ay rajeyneyso inay iska iibiso si ay u hesho Matheus Cunha xiddiga Wolves ayaa loo aqoonsaday in uu yahay bartilmaameedka 1-aad e kooxda Amorim iyaga oo doonaya in ay xaliyaan dhibaatada weerarka

Red Devils ayaa isku dayaysa inay heshiis shaqsi ah

Red Devils ayaa isku dayaysa inay heshiis shaqsi ah la gaarto weeraryahanka reer Brazil, iyagoo wadahadalo la yeeshay wakiilka ciyaaryahanka haddii ay taasi dhacdo, waxay markaas wadahadal la yeelan doonaan Wolves waxayna ka wada xaajoon doonaan sidii ay u bixin lahaayeen 62 milyan euro ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa

United waxa ay u baahan tahay in ay boos ka banayso

United waxa ay u baahan tahay in ay boos ka banayso kooxdeeda si ay ula soo wareegto Cunha, iyada oo haatanba la ogaaday xiddigaha laga yaabo in ay iska iibiso kooxdu xiddigaha Amaahda uga maqan kooxda ee Marcus Rashford iyo Jadon Sancho ayaa hogaaminaya Liiska xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iibiso

Sidoo kale xiddiga amaahda uga maqan La Liga ee Antony ayaa ka mid ah xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iska iibiso xiddiga daafaca ka ciyaara ee Tyrell Malacia ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iska iibiso

Post a Comment

3 Comments

  1. waa in ciyaaryahano fiican la keena

    ReplyDelete
  2. man united waa koox weyn una baahan ciyaaryano wanaagsan

    ReplyDelete
  3. waa kooxda keliya ee aan ka taageero ingariiska

    ReplyDelete