Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay guullo waa wayn ka gaareen howlgallada ka socda gobolkaasi, isla markaana ay qabsadeen deegaanno dhaca jiinka wabiga Shabelle taliyaha Ciidamada Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay
Wuxuuna sheegay in jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka
Wuxuuna sheegay in jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab Sahal ayaa shaaca ka qaaday in la xoreeyay dhul ballaaran, isla markaana dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyay Khawaarijta, sida uu hadalka u dhigay runtii cadowga waxaa la gaarsiiyay dhibaato badan dhul wayn ayaa laga saaray oo laga qabtay dhibaato nafeed iyo mid awoodeedna waa la gaarsiiyay” ayuu yiri Taliyuhu
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgallada ay sii socon doonaan
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgallada ay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay in Al-Shabaab looga xoreeyo deegaannada ay ka joogaan dowlad goboleedka HirShabelle howlgalkan waa mid is raacsan oo ujeedka yahay in Khawaarijta looga tirtiro dalka wuxuuna ka soconayaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe” ayuu mar kale yiri.
Dhanka kale, wuxuu Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed boggaadiyay guulaha ay ciidamada Puntland ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, isaga oo sheegay in ay laayeen xubnihii ugu badnaa oo ay ku jiraan ajaaniib.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah, waxaana iska kaashanaya dowladda federaalka iyo saaxibada caalamiga ah
0 Comments