Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa iska kaashanaya ilaalinta deegaanka, kaddib kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen wasiirrada deegaanka ee Soomaaliya iyo Kenya, Bashiir Maxamed Jaamac iyo Aadan Barre Ducaale kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada wasaaradood, wanaajinta xiriirka labada dal, iyo ilaalinta deegaanka
Labada dhinac ayaa intii uu kulanku socday
Labada dhinac ayaa intii uu kulanku socday isla meel dhigay ilaalinta iyo ka hortagga xaalufinta dhirta, taas oo muhiimad gaar ah u leh dadka iyo deegaanka sidoo kale, waxay si wadajir ah u qireen in isbeddelka ku yimid cimiladu uu saameyn ku yeeshay bulshada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya
Labada dowladood ayaa dhawaan lagu wadaa
Labada dowladood ayaa dhawaan lagu wadaa inay qalinka ku duugaan heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan horumarinta deegaanka, iyada oo ay ka hor dhinacyadu magacaabi doonaan guddiyo farsamo oo arrintan dardar-geliya sidoo kale, labada dal ayaa ballan qaaday in la xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo kheyraadka dabiiciga ah si loo hubiyo mustaqbal waara
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa leh xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinacyo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin amniga, ganacsiga, iyo isku socodka muwaadiniinta
0 Comments