Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku guuleysatay soo celinta awoodeedii QM

Dowladda somalia

 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay guul kale oo weyn, iyada oo 35 sano kadib ku guuleysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Somaliya ayaa dadaal badan gelisay guushan oo muddo dheer soo socotay waxaana sidaas ay kusoo ceshatay awoodeedii Golaha Qaramada Midoobay

Dowladaha aan bixin qaaraanka ma laha wax cod ah

Dowladaha aan bixin qaaraanka ma laha wax cod ah fadhiyada golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay balse Soomaaliya ayaa hadda ka baxday liiskaasi wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka warbixiyay dadaalka ay sameysay dowladda Soomaaliya iyo sida ay ku timid in ay ka baxdo dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Soomaaliyeed

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Soomaaliyeed ay waqti badan ku bixiyeen sidii loo bixin lahaa qaaraanka, si Soomaaliya usoo ceshato awoodeeda, maadaama markii hore ay kulamada qaar ee Golaha Ammaanka QM ka ahayd dhageyste uun oo kaliya guusha ay ka dhigan tahay waxa ay tahay in sanad weliba la yeeriyo oo listiga Soomaaliya laga yeerin jiray ergada iyo madaxda meeshaas tegta ay weji gabax kala kulmi jireen marka korkaaga lagu yeeriyo lacag lagu leeyahay Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi

Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay mararka qaarkood waxaa la iska xiran jiray codka oo laguu diidayay, oo waxaad ahayd xubin dhageyste iska ah, halka dowladihii nala midka ahaa ay codeynayeen, go’aan ay leeyihiin ay gaarsiinayeen dhowaan, Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Kana mid noqotay 15-ka xubnood ee golahaasi, waxaana bilowday xubinnimada cusub ee Soomaaliya, iyada oo laga dhawaajiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga QM iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah

Post a Comment

0 Comments