Diyaarad Drone ah oo Qaraxyo sido oo lagu arkay Villa Somalia

Villa Somalia

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad

 Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo xalay lagu arkay hawada sare ee Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo sidoo kale laga maqlay rasaas xooggan ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegay in diyaaradda oo ahayd Drone ay laba mar kusoo laabatay agagaarka Villa Somalia 

Kadibna waxaa ka shakiyay ciidamada ammaaNka

Kadibna waxaa ka shakiyay ciidamada ammaaNka oo rasaas ku furay cabsi wayn ayaa la dareemay waxaana looga shakiyay in diyaaraddu sidday qaraxyo, ujeedkeeduna uu ahaa inay bartilmaameedsato Villa Somalia oo si weyn loo ilaaliyo

Ciidamada ilaalada ee xarunta Madaxtooyada Qaranka

Ciidamada ilaalada ee xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa la sheegay inay qoray Dhashiikaha u adeegsadeen diyaaradda, kadibna ay sidaasi ku carartay, waxaana rasaasta si weyn xalay looga maqlay xaafado ka tirsan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan diyaaraddaas oo shaki wayn gelisay reer Muqdisho iyo laamaha ammaanka Soomaaliya dhowaan ayaa waxaa soo baxay digniino sheegaya in suuragal ay tahay in Al-Shabaab ay adeegsan karto diyaarado Drone ah oo qaraxyo sida

Sida lagu sheegay warbixinno kasoo baxday hay’adaha caalamiga ah ee deggan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho si kastaba, Maalmo kahor ayay ahayd markii ay Puntland soo ridday diyaarado qaraxyo laga soo buuxiyay oo ay Kooxda Daacish dooneysay inay ku beegsato ciidamada maamulkaasi ee haatan howlgallada culus ka wada dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Post a Comment

0 Comments