Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa
Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay agagaarka galbeedka gobolka Hiiraan, taas oo lala beegsaday xubno sar sare iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab xilli ay kasoo talaabeen jinga wabiga Shabelle
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan dhanka cirka ah khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta, sidoo kalena looga gubay gaadiid dagaal dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya hiiraan ayaa waxaa haatan dib uga bilowday gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab
Kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda si kastaba, HirShabelle ayaa kamid ah meelaha ay weli ku xoogan yihiin Shabaabka, waxaase ka soconaya howlgallo ujeedkooda uu yahay in looga xoreeyo maamulkaasi
0 Comments