Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ayaa muran dhaliyey doorka dheeraadka ah ee laga siiyey

 
ciidamada UPDF

Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) 

Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ayaa isku diyaarinaya inay ka qaataan dowr nabad ilaalineed oo ballaaran gudaha Soomaaliya, iyagoo hoos tegaya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) howlgalkan, oo hawlgalladiisa bilaabay 1-da Janaayo 2025, wuxuu socon doonaa shanta sano ee soo socota, waxaana Uganda ay la wareegtay maamulka laba qeybood oo dheeraad ah—qeybaha 1 iyo 3—oo ay markii hore maamulayeen ciidammada Burundi

Tallaabadan ayaa rajo wanaagsan laga muujiyay

Tallaabadan ayaa rajo wanaagsan laga muujiyay gudaha Uganda, iyadoo saraakiisha ay ammaaneen sida ay UPDF uga go’an tahay xirfaddooda ciidannimo Brigadier General Felix Kulayigye, afhayeenka UPDF, ayaa muujiyay sida ay ciidamadu ugu faraxsan yihiin kaalintan la ballaariyay, isagoo yiri, “Doorkan dheeraadka ah ee cusub wuxuu ka dhigan yahay inaan qabannay shaqo aad u wanaagsan, waana ku faraxsannahay inaan qaadanno

Ka qeybgalka UPDF ee Soomaaliya waxa uu socday dhowr sano

Ka qeybgalka UPDF ee Soomaaliya waxa uu socday dhowr sano, ciidamaduna waxa ay la kulmeen caqabado kala duwan oo ka jira gobolkaas xasiloonida ka arradan Uganda ayaa markii hore gaysay Soomaaliya in ka badan 12,000 oo askari, balse tiradaas ayaa markii dambe hoos loo dhigay ilaa 3,000, kaddib markii howlgallada kale ee nabad ilaalinta ay qaateen mas’uuliyado dheeraad ah

Kulayigye ayaa u xaqiijiyay dadweynaha in ciidanku uu si wanaagsan ugu diyaar garoobay inuu la tacaalo baahiyaha sii kordhaya markii hore waxaan halkaas ku haysannay ciidamo ka badan kuwa maanta jooga. Markii ay daneeyayaasha kale soo biireen, waxaan dib u soo celinnay qaar ka mid ah ciidammada. Hadda, waxaan sugeynaa tilmaamaha, waxaana diyaar u noqon doonnaa inaan dirno ciidamo dheeraad ah si ay u qaataan doorka cusub,” ayuu sharraxay

Iyadoo xamaasadda ciidanku ay muuqato, haddana howlgelinta la ballaariyay ayaa walaac ka dhex dhalisay siyaasiyiinta mucaaradka dhaliilayaashu waxa ay ku baaqayaan in baaritaan dheeraad ah iyo isla xisaabtan la sameeyo ka hor inta aan ciidamo dheeraad ah la geynin Soomaaliya. Xildhibaan Francis Mwijukye oo ka tirsan Baarlamaanka Degmada Buhweju ayaa walaaciisa soo bandhigay, isagoo su’aal geliyay maamulka dhaqaalaha loo qoondeeyay howlgalka nabad ilaalinta

UPDF waa inay Baarlamaanka uga warbixiso dhaqaalaha ay ka helaan saaxiibbada horumarinta si ay ciidamadeenna halkaas ugu sii hayn lahaayeen. Qaar ka mid ah wiilasheenna lama siin mushaar tan iyo Janaayo 2024, haddana saaxiibbada horumarinta sida Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa maalgelinaya hawlgallada ciidan ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan qalabka iyo mushaharka shaqaalaha,” ayuu yiri Mwijukye

Sidoo kale, Derrick Nyeko, wasiirka hooska ee amniga, ayaa ka digay xaaladda nololeed ee ciidamada UPDF ee hadda ku sugan Soomaaliya ma diri karno ciidamo dheeraad ah Soomaaliya haddii xaaladaha nololeed ee ciidamadeenna halkaas ku sugan ay tahay mid laga walaaco. Qaar xitaa ma haystaan qalab la isticmaali karo sida agabka aasaasiga ah,” ayuu xusay

Nyeko ayaa ka digay in ciidamo badan oo loo diro xaaladahan ay horseedi karto arrimo fal-dambiyeedyo ah, taasoo keeni karta cawaaqib xumo sharci iyo mid sumcadeedba ku yeelan karta Uganda iyadoo UPDF ay isu diyaarinayso inay bilowdo cutubkan cusub ee Soomaaliya, ayaa dooddu ka socotaa sidii loo dheelli tiri lahaa u diyaar ahaanshaha ciidanka iyo baahida loo qabo daah-furnaan iyo isla xisaabtan

Iyadoo cadaadiska gudaha iyo dibaddaba uu sii kordhayo, tallaabooyinka ciidanku qaadaan bilaha soo socda ayaa u badan inay qaabeyn doonaan mustaqbalka ka qeybgalka Uganda ee dadaallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments