Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Kooxda alshabaab

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya

 Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo xalay ka dhacay gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu dagaal xoogleh ka dhacay aagga deegaanka Ceelgaras oo u dhexeeyo degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur

Halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac

Halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac saraakiil u hadashay ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay inay ka war heleen goob ay isku uursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayna ku sugnaayeen horjoogayaal, kadibna ay sidaasi ku weerareen, waxayna tilmaameen inay xogta ka heleen dadka shacabka ah oo ay dhibaato ku hayeen

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay goobta

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay goobta ku dileen saraakiil sar sare iyo maleeshiyaadkii la socday, kuwaas oo tilmaameen inay u qaabilsanaayeen dhanka miisaaniyadda iyo lacag uruurinta ma shaacin saraakiishu tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka ay ku beegsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugnaa aagga deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaal rogaal celis ah ay soo qaadeen Al-Shabaab, kadibna ay afduubteen ganacsato deegaanka ku sugnaa oo la sheegay inay horay u kaxeyseen ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda sare ee maamulka Galmudug oo ku aadan howlgalkaasi iyo ganacsatada la sheegay in Al-Shabaab ku afduubteen halkaasi.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda

Post a Comment

0 Comments