Madaxweynaha mareykanka Donald Trump oo ku dhowaaqay tallaabadii ugu cusleyd iyo ciidamo militari oo la gaynayo xadka maxico


Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in uu soo saari doono

Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in uu soo saari doono amarro fulineed oo ballaaran si uu dib ugu habeeyo qaabka ay Maraykanku ula macaamilaan arrimaha jinsiyadda iyo socdaalka madaxweynaha 47-aad ayaa si degdeg ah u billaabi doona soo saarista awaamiir madaxweyne oo loogu talagalay in si weyn loo yareeyo tirada muhaajiriinta dalka soo galaysa

Donald trump

Marka hore, waxaan ku dhawaaqi doonaa xaalad degdeg ah

Marka hore, waxaan ku dhawaaqi doonaa xaalad degdeg ah oo aan ku soo rogayo xadka koonfureed ee dalkeenna,” ayuu Trump yiri daqiiqado ka dib caleema saarkiisa gelitaanka sharci-darrada ah ayaa si deg deg ah loo joojin doonaa, waxaana billaabi doonaa nidaam malaayiin dambiilayaal shisheeye ah loogu celinayo meelihii ay ka yimaadeen

Waxa uu sheegay in uu ciidamada militariga u diri

Waxa uu sheegay in uu ciidamada militariga u diri doono xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico si loo joojiyo “duullaanka musiibada leh ee lagu soo qaaday dalkeenna Trump, oo ku ololeeyay ballanqaadyo uu ku xakameynayo muhaajiriinta isla markaana uu ku kasbaday taageerada dadka ka walwalsan isbeddelka tirakoobka bulshada

Waxa kale oo uu qorsheynayaa in uu joojiyo dhaqanka qadiimiga ah ee qarniyada soo jiray ee dhalashada si toos ah loogu siiyo qof kasta oo ku dhasha dhulka Maraykanka waxaan soo afjari doonnaa magangelyo-doonka,” ayay tiri afhayeenka ku xigeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, iyadoo intaas ku dartay in la abuuri doono nidaam degdeg ah oo lagu celiyo dadka aan haysan fursad magangelyo-doon

Dastuurka Maraykanka ayaa dhalasho siiya qof kasta oo ku dhasha dhulka Maraykanka hase yeeshee Kelly ayaa sheegtay in tallaabooyinka Trump ay “caddeyn” doonaan waxyaabaha ku saabsan wax-ka-beddelka qodobka 14-aad ee Dastuurka, kaas oo la xiriira jinsiyadda dhalashada dawladda federaalku ma aqoonsan doonto jinsiyadda dhalashada ee tooska ah ee carruurta ku dhalata Maraykanka ee waalidiinta sharci-darrada ku jooga dalka

Muhaajiriinta sharci-darrada ah ee raadinaya inay galaan Maraykanka waa inay dib u noqdaan hadda,” ayuu qoray qof kasta oo soo gala Maraykanka iyada oo aan fasax loo siin waxa uu wajahayaa dacwad iyo masaafurin Kelly waxa kale oo ay sheegtay in maamulka Trump uu dib u soo celin doono siyaasaddii “Ku sugnoow Mexico,” oo hore u jirtay muddo xileedkii hore ee Trump

Sida sharcigaasi dhigayo, dadka dalbanaya in ay Maraykanka ka soo galaan xadka Mexico lama ogolaan karo illaa codsigooda go’aan gaaro Kelly waxay sheegtay in Trump uu qorshaynayo in uu u adeegsado ciqaabta dilka ah ee dadka aan Maraykanka u dhalan ee gala dambiyada culus, oo ay ku jiraan dilka

Tani waxay la xiriirtaa amniga qaranka. Waxay khuseysaa badbaadada dadweynaha, waana arrin ku saabsan dhibanayaasha qaar ka mid ah dambiyada ugu xun uguna waxashnimada badan ee dambiilayaasha soo galay dalkeenna abid, waxaana arrintani dhammaan doontaa maanta,” ayay tir

Post a Comment

0 Comments