Howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda alShabaab oo ka dhacay shabeelaha hoose

Kooxda alshabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo ay guullo ka sheegatay dowladda Soomaaliya

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaano dhowr ah, waxaana kamid ah Jeeroow, Atuunyo, Libsoome, Safaari, Mudulow iyo kuwa kale howlgalladan ayaa waxaa horkacayay taliyaha ururka 26-aad ee guutada 6-aad G/Le Faarax Maxamuud Xersi oo uu wehliyo taliyaha gorinta 1-aad Dhamme Cabdisalaam Aadan Cali

Waxaana khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

Waxaana khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya Geesiyaasha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgallo Khasaaro lagu gaarsiiyey Khawaarijta ka sameeyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo xoogan ciidamadu ay ka wadaan deegaanada ay maanta gaareen, si ay u xaqiijiyaan amniga dhinaca kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka maanta ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Khawaarijta, waxaana howlgallo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya, si looga xoreeyo gobolkaasi

Post a Comment

0 Comments