Saraakiil Mareykan ah oo tegay xarunta ciidanka ilaalada xeebaha Somalia

Somalia iyo mareykanka

 Saraakiil ka socota Dowladda Mareykanka

Saraakiil ka socota Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen Taliska ciidanka ilaalada xeebaha ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed saraakiishan waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed G/Sare Bashiir Cabdiqaasin

Sidoo kale saraakiishaan ka socotay dowladda Mareykanka

Sidoo kale saraakiishaan ka socotay dowladda Mareykanka ayaa soo kormeeray qalabka, saldhigyada iyo qaabka ay u howlgalaan ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee xeebaha Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda iyo tayada hawlgallada Ilaalada Xeebaha ee Booliiska Soomaaliyeed

Saraakiishaan ayaa Taliyaha Booliska gaarka ah

Saraakiishaan ayaa Taliyaha Booliska gaarka ah ee ilaalada xeebaha Soomaaliya Korneyl Bashiir Cabdiqaasin ka balan qaaday inay ku garab siinayaan dhismaha ciidanka iyo qalabeyntooda kormeerka ay saraakiishaan ka socda dowladda Mareykanka ku tageen xarunta ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa ku soo aaday iyadoo uu Muqdisho soo gaaray Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka

Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), Mudane William J. Burns ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya oo ay ka wadahadleen iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka

Taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, qorshaha bixitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), iyo xasilloonida Geeska Afrika soomaaliya iyo Maraykanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, iyaga oo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika

Post a Comment

0 Comments