Warsame Barre Sugow oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubada Hoose

Kooxda AlShabaab

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal

 Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka sameeyeen aagga deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose howlgalkan oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda

Kaas oo magaciisa lagu sheegay Warsame Barre Sugow

Kaas oo magaciisa lagu sheegay Warsame Barre Sugow, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya deegaan u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose waxaa lagu khaarijiyay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta laguna magacaabi jiray Warsame Barre Sugow” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay geesiyaasha Xooga dalka

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay geesiyaasha Xooga dalka iyo Kuwa Jubbaland ayaa Cashiro lama ilaawaan ah u dhigaya khawaarijta ku dhuumaaleysaneyso dhulka Howdka ee Jubada Hoose ciidamada huwanta ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab in dhowanahaan ka waday Jubbooyinka, waxaana lagu naafeeyay maleeshiyaadka Khawaarijta.

Dilka Warsame Barre Sugow waxaa ka horreeyay howlgal kale oo isna dhawaan ka dhacay Jubbada Hoose, kaas oo isna lagu khaarijiyay Maxamuud Cali Xuseen oo afgarshadiisu ay tahay (Qayliyoow), isla markaana kooxda u qaabilsanaa sahanka, sirdoonka iyo qaraxyada

Si kastaba, Jubbooyinka ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeyo kooxda iyo ciidamada huwanta ee ku sugan furimaha hore ee Jubbaland

Post a Comment

0 Comments