Koonfur Galbeed oo dad usoo xirtay qarixii lagu dilay taliyihii ciidanka Daraawiishta ee degmada Bardaale

Koonfur Galbeed

Wararka nagaa soo gaaraya gobolka Baay

 Wararka nagaa soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in Koonfur Galbeed ay qaaday tallaabo la xiriirta dilka taliyihii  ciidanka Daraawiishta ee degmada Bardaale, kaas oo shalay lagu dilay qarax miino taliyaha oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Macallin iyo qaar kamid ah askartiisa ayaa ku dhintay miinada kadib markii ay la kacday gaariga ay saarnaayeen

Ciidamada ammaanka oo kadib howlgallo sameeyay

Ciidamada ammaanka oo kadib howlgallo sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay illaa 5 eedeysane oo loo haysto inay ku lug lahaayeen dilka taliyaha Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in shanta qof loo soo qaaday Baydhaba, si loogu sameeyo baariraano dheeraad ah oo ku aadan ku lug lahaanshaha qaraxaasi

Allaha u naxariistee taliyaha la dilay ee ciidanka

Allaha u naxariistee taliyaha la dilay ee ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday aagga degmadaasi oo uu ka socdo howlgal xoreyn ah oo kooxda Al-Shabaab looga saarayo halkaasi xaaladda degmada ayaa weli kacsan waxaana laga dareemayaa saameynta taliyaha iyo askartiisa ee lagu dilay qaraxa miino ee ay u dhigeen maleeshiyaadka Al-Shabaab

Horay sidaan oo kale ayaa waxaa qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah oo ay soo qaadeen Al-Shabaab lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan gobollada Baay iyo Bakool ay howlgallo culus ka wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo Darawiishta Koonfur Galbeed

Post a Comment

0 Comments