Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta dad shacab ah lagu afduubtay

gobolka BAKOOL

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta dad shacab ah lagu afduubtay deegaan dhaca xadka ay wadagaan gobolka Bakool iyo dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay weerar ka gaysteen maleeshiyaad hubeysan dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in maleeshiyaadka ay yimaadeen deegaan u dhow degmada Rabdhuure, isla markaana ay halkaasi ka kaxeysteen illaa 8 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan dhalinyaro, carrruur iyo dad waa waynba

Maleeshiyaadka afduubka gaystay ayaa lasoo wariyay

Maleeshiyaadka afduubka gaystay ayaa lasoo wariyay inay isku soo ekeysiiyeen ciidanka Liyu Boolis ee dowlad deegaanka, kadibna ay xoog ku wateen dadkaasi rayidka ah Lama oga halka ay la aadeen, waxaana arrintan ay cabsi xoogleh ku abuurtay dadka shacabka ee ku dhaqan gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan afduubka ah ay salka ku heyso xiisad la xiriirta aano qabiil oo ka taagan halkaasi, taas oo muddooyinkii u dambeeyay kasii dareysay, waxaana jiray dad kala duwan oo horay loogu afduubtay halkaasi dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Bakool iyo sidoo kale mas’uuliyiinta dowlad deegaanka oo ku aadan shacabka lagu afduubtay halkaasi

Xaalad kacsanaan ahaa weli laga dareemayaa aagga degmada Rabdhuure oo ah halka laga kaxeystay shacabka, waxaana soconayo dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan maleeshiyaadka ku sugan halkaasi

Post a Comment

0 Comments