Ciidanka dowladda somalia iyo kuwa ATMIS oo jawaab ka bixiyay weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-mareer

Kooxda alshabaab

Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta tallaabo deg-deg ah ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ee ku sugan Buulo-mareer, kadib weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaaladaasi weerarka ayaa Al-Shabaab waxaa gelinkii dambe ee shalay ku eekeeyeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin halkaasi

Waxaana kadib xigay dagaal toos ah

Waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, ayada oo dib loo celiyay raggii weerarka qaaday intaas kadib ciidamada huwanta ayaa howlgallo ka bilaabay Buulo-mareer, si gacanta loogu soo dhigo xubnihii Al-Shabaab ee soo maleegay weerarka ka dhacay halkaasi

Ciidamada ayaa guri guri u baaray xaafadaha

Ciidamada ayaa guri guri u baaray xaafadaha ayaa gacanta kusoo dhigay tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, loogana shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen in weerarka aanu kasoo gaarin wax khasaare ah, isla markaana ay sameeyeen iska caabin, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in sii wadayaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda aagga Buulo-mareer, si looga hortego weeraradooda Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi u socda dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Marar badan ayay kooxda soo weerartay magaaladaan, waxaana horay khasaare culus ay ugu gaarsiisay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo askar badan looga dilay halkaasi

Post a Comment

0 Comments