Qarax Gaari oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Qarax Gaari

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo gaystay waxyeello kala duwan qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Jabad Geelle, waxaana lala eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Korontada Ee BECO

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in gaariga la qarxiyay oo haa booyad uu dab qabsaday, isla markaana ay ku burburtay goobta sidoo kale waxaa dhaawac culus uu soo gaaray darawalka baabuurka, kaas oo loola soo cararay mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho

Xaaladda ayaa ah mid kacsan,

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka iyo Shirkadda BECO oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah ee maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo todobaadkan deegaanka Garasbaaley lagula eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaas oo lagu dilay lix kamid ahaa shaqaalaha shirkadda lama oga cidda ka dambeysa weeraradan, balse dowladda ayaa ku eedeysay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, balse iyagu ma sheegin beegsiga lagu hayo shirkadahaasi

Post a Comment

0 Comments