Ciidamada gorgor oo howlgal culus ka fuliyay gobolka Hiiraan

Ciidamada gorgor

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Gorgor ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen agagaarka degmada Buuloburde ee gobolkaasi howlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ururka 8-aad Guutada18-aad ee Gorgor waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa gaaray deegaanno

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa gaaray deegaanno ay kamid yihiin Caag Bashiir, Hilaweyn Biya Madoobe iyo Beerayabal oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ujeedka uu yahay in maleeshiyaadka Al-Shabaab laga sifeeyo aagga jinka wabiga Shabelle

Howlgalkan ayaa lagu badi gobayay xubno 

Howlgalkan ayaa lagu badi gobayay xubno katirsan khawaarijta oo ku dhuumaaleysaneyey deegaanada laga sameyay howgalka ee jiinka wabiga ayaa kla ah Caag Bashiir, Hilaweyn Biya Madoobe, Beerayabal iyo deegaano kle oo dhowr ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Buuloburde oo fariisin u ah ciidanka dowladda Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana halka uu kasoo billowday halganka xoreynta ee haatan ka socda gobollada dalka

Post a Comment

0 Comments