Weerar culus oo ay xalay maleeshiyaad ka tirsan AlShabaab ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Somalia ku leeyihiin Shabelaha Hoose

Kooxda alshabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee goboka Shabeelaha Hoose weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dib u celiyeen.

Dhanka kale, war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab

Dhanka kale, war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhigga deegaanka Sabiid, isla markaana ay ku jabiyeen dagaalka ay la galeen xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa Al-Shabaab waxa ay kordhisay weerarada gaadmada re ay aroortii hore ku qaado ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka si kastaba, Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaco weeraro iyo dagaallo gaysta khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac

Post a Comment

0 Comments