KORNEYL SANAY-Shacabka G.Banaadir haku daysadeen reer gubadley,oo amnigooda hasugtaan,Ciidan iyo dhagax amni masugaane

KORNEYL SANAY


Korneel Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiisha sar sare 

Korneel Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan amniga magaalada Muqdisho oo maalmihii uug dambeeyay ka dhacayeen falal amni darro ah korneelka oo xalay ka qayb-galay munasaabad ka dhacday xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar isla markaana lagu shaaciyay degmooyinka cusub ee Gubadley, Garasbaaley iyo Daarusalaam ayaa marka hore soo dhaweeyay ku dhowaaqista degmada Gubadley

Isaga oo u mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya

Isaga oo u mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya iyo duqa magaalada Muqdisho dareenkeyga lama soo koobi karo waa midka dadka ku nool degmada Gubadley, waxay yididiilo iyo hami u tahay dadka deegaanka inay gacantooda wax ku qabsan karaan” ayuu yiri Saney Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu jiro gacanta shacabka, loona baahan yahay inay u istaagaan nabad-gelyada

Korneel Saney Cabdulle

Korneel Saney Cabdulle ayaa xusay in ciidan oo kaliga iyo dhagax meel la dhigo aan lagu sugi karin amniga, isaga oo ku baaqay in amniga looga daydo reer Gubadley ammaanka waxa uu ka yimaadaa bulshada ciidan ammaan ma sugyo iyo dhagax lagu xiro waddo bulshada waxaan leeyahay ha istaagto amniga Muqdisho: ayuu yiri Korneelka

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Bulshada gobolka Banaadir joogta sida Gubadley oo kale ay ku gaartay amniga iyaga gacmahooda haku qabsadaan nabad-gelyada hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho ay howlgallo joogto ah ka wadaan ciidamada dowladda, haddana waxaa ka dhaca weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan

Post a Comment

0 Comments