Dowldda Somalia oo dhiig cusub ku shubeysa dagaalka Shabaab iyo tallaabo culus oo ay qaaday

Kooxda Alshabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya

 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo horleh u dirtay Galmudug, kuwaas oo maanta gaaray gobolka Galgaduud, waxayna tani u muuqataa inay dowladdu dhiig cusub ku shubeyso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminayo taliyaha ururka 86-aad ee guutada 77-aad laba xiddigle Cabdi Nuur Qadaaye

Waxayna ugu horreyntii tageen magaalada Masagawaa

Waxayna ugu horreyntii tageen magaalada Masagawaa oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab sidoo kale waxaa ciidamadan soo dhaweyn u sameeyay taliyaha ururka 85-aad Laba Xiddigle Cabdiwahaab Axmed Macalin iyo xubna ka tirsan hogaanmiyaasha Macawiisleyda

Ujeedka ciidamadan cusub loo geeyay gobolka Galgaduud

Ujeedka ciidamadan cusub loo geeyay gobolka Galgaduud ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoreynta ee ka socda halkaas, si looga saaro kooxda Al-Shabaab warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamadan ay ka qayb-qaadan ciribtirka Al-Shabaabka ku sugan gobollada dhexe.

Ciidankan ayaa qeyb ka ah howlgallada dalka looga cirib tirayo Argagixisada ayaa magalada Masawagaa waxaa kusoo dhaweeyay Taliyaha ururka 85-aad Laba X/le Cabdiwahaab Axmed Macalin iyo xubna ka tirsan hoggaanmiyeyaasha Macawiisleyda ee Bariga Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Saraakiisha ayaa tegida magaalada ka dib waxa ay kormeer iyo salaan ugu tageen ciidamada Macawiisleyda Rugaha kala duwan ee ay kaga sugan yihiin magaslada gobollada Galgaduud iyo Mudug waxaa ka socda howlgallo waqti badan qaatay oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga  iyo kuwa deegaanka, waxaana lagu wajahan Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments