Khasaaraha dhimashada dagaal beeleed ka qarxay Shabeelaha Dhexe oo gaaray 30 qof

Shabbeelaha dhexe

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaas oo ay shalay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan dagaalkan oo dib uga qarxay inta u dhexeysa deegaanada Bur Shiiq iyo Biyo Cadde ayaa u dhexeeyay beelaha Cabdalla Caroone iyo Habar-Nugaal, kuwaas oo iska dilay dad badan

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii ugu xumaa

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii ugu xumaa uu shalay dhex-maray labada dhinac, kaas oo soo gaaray illaa gelinkii dambe, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimashada oo gaaray ku dhawaad 30 qof oo labada dhinac ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah

Dadka dhintay waxaa kamid ah haween iyo carruur

Dadka dhintay waxaa kamid ah haween iyo carruur, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo u warramay warbaahinta maxalliga ah xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay weli kacsan tahay, waxaana deegaanada lagu dagaalamay gaaray gurmadyo horleh, taas oo sii hurin karta dagaalka kasoo cusboonaaday bariga gobolka Shabeelaha Dhexe

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi khasaaraha badan dhaliyay Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana dhaqan-geli waayay heshiisyo nabadeed oo la kala dhex dhigay beelaha ku dagaalamaya halkaasi

Post a Comment

0 Comments