Howlgal uu hoggaaminayay Uune Guudle Cabdiraxman oo ka dhacay Koonfur Galbeed

Koonfur Galbeed

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen deegaanada dhaca buuraleyda iyo dhulka howdka ah ee u dhexeeya gobollada Baay iyo Bakool howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay taliye ku xigeenka ururka 47-aad ee guutada 8-aad, qaybta 60-aad, Xiddigle Uune Guudle Cabdiraxmaan kaas oo sheegay inay cagta mariyeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu xoreeyay deegaano ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab ciidamada ayaa haatan ku sugan deegaanada howlgalka laga sameeyay sida uu warbaahinta dowladda u xaqoojiyay Xiddigle Uune Guudle Cabdiraxmaan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed gaar ahaan Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa manta Howlgal Sifeyn ah waxay kasameyeen Degaanada Dhaca Buuraleyda iyo Dhulka Hoowdka ah ee Kala Qeybiya gobolada Baay Iyo Bokool” ayaa laghu yiri qoraalka

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in la burburiyay xarumo ay kooxda ku laheyd halkaasi laguna diyaarinayay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab inta howlgalkan gaarka uu socday ayaa lagu bur-buriyay goobo maleeshiyaadka khawaarijta isku abaabuleyeenoo u dhaxaysa Degmooyinka Bardaale iyo Qasax Dheere ee Gobalka Baay iyo degmada Waajid ee gobolka Bakool” ayaa lasii raaciyay qoraalka

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab kaas la doonayo in kooxda looga sifeeyo guud ahaan maamulkaasi

Post a Comment

0 Comments