Fadeexad weyn oo ka taagan garoonka Aadan Cadde oo banaanka la keenay

garoonka Aadan cade

Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaan Foundation

 Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaan Foundation, Mudane Cabdullahi Nuur Cismaan oo qoraal soo saaray ayaa bannaanka keenay fadeexad ka taagan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Cabdullahu Nuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in xaalad aan caadi ahayn oo adag ay ka jirto musqulaha garoonka isaga oo soo bandhigay sawirradooda

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in nadaafad darro 

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in nadaafad darro tii ugu xumayd ay ka jirto garoonka, gaar ahaan musqulaha loogu tala-galay dadweynaha, isaga oo ku tilmaamay arrin halisteeda leh Mas’uulkan ayaa sheegay in dayac badan uu ka jiro gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, isaga oo xusay inuu hoos u dhigi karo sumcadda dalka, maadaama garoonka uu yahay muraayad

Musqulaha Garoonka Aaden Abdulle  International Airport

Musqulaha Garoonka Aaden Abdulle  International Airport, sidaan haloo dhaamo, marar badan ayaan arkay iyagoo xitaa sidaan kasii liito. Markii aad ku fadhiisato waa kula liq-liqanayaa oo waxaad ka baqeeysaa ineey kula dhacdo, qalabka waa duugoobay, warqadi musqusha malahan, mararka qaar waxaad arkeeysaa biyaha oo go,an, warqadna ama Toilet Tissue aanay oolin,” ayuu guddoomiyaha ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Cabdullahu Nuur Cismaan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay soo faro-geliso arrintaasi, islamarkaana ay la xisaabtano shirkadda gacanta ku hayso garoonka magaalada Muqdisho Arrintan ayuu tilmaamay inay ceeb ku tahay Soomaalida oo dhan, maadaama garoonka uu yahay albaabka laga soo galo dalka.

Sida aan ognahay waxaa maamula Shirkad Private ah , sidaa darteed dowlada Somaliya, gaar ahaan maamulka garoonka waa ineey kormeer iyo joogtey ku hayaan xaalada musqulaha iyo garoonka ,maadaama garoonka yahay albaabkii laga soo galayey dalkeena,” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha hay’adda Hormuud Salaam Foundation

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed iyo dadka ajaaniibta ah ee isticmaala garoonka ay xaq u leeyihiin inay heelaan musqulo nadiif ahida kale dadka Soomaaliyeed iyo Ajaanibtaba waxaa aay xaq u leeyihiin ineey helaan musqulo nadiif ah oo shaqeeynaya si la mid garoomada kale ee dunida iyo gobolka. Xaalada musqulaha – sawiradaan waa hadeer,” ayuu mar kale yiri Cabdullaahi Nuur.

Arrintan ayaa fadeexo weyn ku ah ku ah dalkeenna, waxaana loo baahan yahay in laga wada dhiidhiyo, si ay wax uga qabato cidda ay quseyso oo ay ugu horreyso dowladda federaalka, oo sida muuqata dayacday isla xisaabtanka ka saaran garoonka, oo ay gacanta ku hayso shirkad gaar loo leeyahay.

Post a Comment

0 Comments