Warshaddii qaraxyada Al-Shabaab iyo Idaacadda Andalus oo la burburiyay

Kooxda alshabaab


Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud

 Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka aroortii hore howlgal dhanka cirka ah lagu qaaday magaalada Gal-hareeri oo ka tirsan gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab howlgalkan oo iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay in howlgalkaasi, isaga oo sheegay in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, laguna dilay xubno fara badan

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgalkan lagu burburiyay warshad

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgalkan lagu burburiyay warshad lagu far-sameeyo qaraxyada oo ay lahayd kooxda iyo xarun Idaacadeed, sida uu hadalka u dhigay gal-hareeri waxaa ka dhacay hawlgal barakaysan, Khawaarij badan waa la laayay, xarumo ay ku jiraan Idaacad iyo Warshad lagu sameeyo qaraxyadana waa la burburiyay, alle ayaa ku mahadsan” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkan lagu dilay ugu yaraan 25 ka tirsanaa Al-Shabaab Xubnaha la dilay ayaa waxayn isugu jiraan Wariyeyaa, horjoogayaal iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Xalay saqdii dhaxe ayaa dhowr gantaal lagu burburiyay xarumihii ay dadka ka gumaadi jireen, waxaana dhulka lala simay Qalabkii warbaahineed ee kooxda Argagixisada ah, waxaana lagu dilay weriyaal iyo Horjoogayaal farabadan. waxayna Galhareeri xalay ay noqotay goob Argagixisada lagu baabi’yay.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Xoogga

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan howlalkaas iyo duqeynta isla socday ee guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah

Post a Comment

0 Comments