Ciidamo reer Miyi ah oo xoog kula wareegay Matabaan iyo maamulkii oo isaga baxay

Ciidamo reer Miyi

 Ciidan gadoodsan ayaa maanta la wareegay degmada Matabaan

Ciidan gadoodsan ayaa maanta la wareegay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana hakad gashay shaqadii maamulka degmada iyo hey’adaha samafalka ee ka shaqeeya Matabaan ciidamo aad u hubeysan oo ka yimid deegaanada Miyiga ah ee hareeraha ka xiga Matabaan ayaa saakay barqadii gudaha u galay magaalada

Waxayna la wareegeen saldhigga booliska

Waxayna la wareegeen saldhigga booliska, xarunta degmada iyo koontaroolada laga soo galo magaalada ciidamadaan ka soo jeeda dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanada Matabaan hoos taga ayaa ka gadooday hanaanka loo qeybiyey kaarar ay ku soo dhacaan lacago gargaar ah bil kasta, kararkaas waxaa bixiya hey’adaha samafalka, waxaana qeybiya maamulka degmada

Sidoo kale xafiisyo ay Matabaan ku leeyihiin 

Sidoo kale xafiisyo ay Matabaan ku leeyihiin qaar ka mid ah hey’adaha samafalka ayey la wareegeen ciidamadaan, mana jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka oo isaga baxay magaalada goobaha ay shaqooyinkii ka socday hakiyeen ciidamada gadoodsan waxaa ka mid ah isbitaalka guud ee degmada

Waxaana xaaladaan aad uga walaacsan dadka ku nool degmada Matabaan oo kol sii horeysay la hoos geeyey HirShabeelle guddoomiyaha degmada Matabaan oo ka daahay inuu xaliyo arrintaan ayaa maanta ilaa caawa wada dadaalo lagu qancinayo ciidamada gadoodsan ee ka soo jeeda dadka reer miyiga ah

Odayaal uu soo diray guddoomiyaha degmada ayaa caawa qeyb qeyb ula kulmaya ragga hoggaaminaya ciidamada gadoodsan ee la wareegay magaalada, si tabashadooda looga qanciyo degmadana loogu celiyo gacanta maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo markii hore hoos tegi jirtay Galmudug ayaa dhawaan la hoos geeyey HirShabeelle, waxaana toddobaadkii hore booqasho ku yimid guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullahi Ufurow

Post a Comment

0 Comments