Ciidanka dowlada somalia oo burburiyay xarun lagu diiwaangeliyo Shabaabka cusub

 
Kooxda alshabaab

Faahfaahino dheeraad ah

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo lagu qaaday Al-Shabaab howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 8-aad ee qaybta 60-aad ciidamada Xoogga dalka kuwaas oo isku fidiyay agagaarka Goofgaduud-buurey

Taliyaha ururka 47-aad guutada 8-aad, qeybta 60-aad

Taliyaha ururka 47-aad guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhagey) oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay gaareen tuulooyin ay ka mid yihiin Misgaale, Warta Kormar, Duurow, Mintaanka, Qurunlow Asharaaf, Gololow, Goof Golol & Hareera Jiif, kuwaas oo u dhow Goofgduud-buurey ee gobaoka Baay

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay burburiyeen maktab

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay burburiyeen maktab ay ku diiwaangeliyaan xubnaha cusub ee doonaya inay ku biiraan kooxda iyo goobo kale ooay lacago uga qaadan jireen dadka shacabka ah ee Isticmaala wadooyinka gala gobollada Baay iyo Bokool ma shaacin taliyuhu khasaare nafeed oo ka dhashay howlgalladan, marka laga tago burburinta xarumaha ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemaya aagga magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee Koonfur Galbeed

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan go’doon geliyay magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, taas oo keentay in xaalad adag ay galaan shacabka ku dhaqan halkaasi

Post a Comment

0 Comments