Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare gaystay uu ka dhacay gudaha magaalada Caad

Kooxda Alshabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug

 Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare gaystay uu ka dhacay gudaha magaalada Caad oo ka tirsan koonfurta gobolkaasi, taas oo dhowaan uun lagala wareegay kooxda Al-Shabaab ilo deegaanka ahaa ayaa inoo sheegay in jugta qaraxa, si weyn looga maqlay magaalada, kadibna ay goobta ay gaareen ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay bartamaha magaalada

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi, waxaase lagu soo warramayaa in weli howlgallo ay ka socdaan Caad

Xaaladda ayaa maanta ah mid kacsan

Xaaladda ayaa maanta ah mid kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka la sheegay inay isku fidiyeen deegaanka, si ay u beegsadaan xubnaha Al-Shabaab Caad ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro iyo dagaallo toos oo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab oo isku bad-beddalay maamulka deegaankaasi

Guud ahaan waxaa Mudug ka socda howlgallo culus iyo duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxdaasi

Post a Comment

0 Comments