Ciidamada hay’adda Sirdoonka NISA oo qabatay Shabaab-kii ugu badna oo Hiiraan uga talaabayay

Ciidamada Sirdoonka NISA

Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida

 Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta howl-gal culus ka sameeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan howl-galkaan oo ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada ayaa waxay ciidanka NISA kusoo qabteen shabakad Shabaab ah oo qorsheysanaysay in ay kasii tallaaban gobolka Hiiraan

Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta dowladda u sheegay

Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xubnahaan aragagixisada ah ay doonayeen in ay gobalka Hiiraan ugu tallaabaan gobolka Galgaduud oo uu ka socdo howl-gal lagu cirib-tirayo kooxda Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab

Kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan

Kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xilli uu gobolada dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxay kooxda weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.

Si kastaba, waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona ka hore

Post a Comment

0 Comments