Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa in dagaalyahanada alshabaab ay qarax ku dileen Taliyaha Nabad-Sugidda degmada qoryooley

kooxda alshabaab

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa

 Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ay maanta dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday kolonyo uu hoggaamiyay Taliyaha Nabad-Sugidda degmada Qoryooley Cusmaan Xasan Cabdi (Cusmaan Gaab), waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo xaqiijiyay in goobta lagu dilay taliyaha iyo saddex kamid ah askartii ilaalada u ahayd ee la socotay xilliga uu dhacayay weerarka Marxuumka iyo askarta la socotay ayaa xilligaas ka yimid dhanka degmada Qoryooley, waxayna kusii jeedeen deegaanka Danow, waxaana waddada u galay, gaar ahaan Tuulada Buula Sheekh xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo kadibna ku dilay weerar gaadmo ah

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha hoose

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa war kasoo saaray dilka taliyaha, isaga oo tacsi u diray ehellada marxuumka Innaa lillaahi wa ileyhi raajicuun, Ilaahay ha u Naxariisto walaalkeen taliye Cusmaan Xasan Cabdi (Cusmaan Gaab) taliyihii Nabadsugida Degmada Qoryooleey oo goordhow ku geeriyooday wadada qoryooley iyo Danow u dhexeysa asaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Ilaahay ha u Naxariisto jannadii firdowsa eheedna haka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna Samir iyo Iimaan haka siiyo inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay sidoo kale howlgallo ka wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuw ATMIS

Dilka Taliyaha Nabad-sugidda degmada Qoryooley waxaa ka horreeyay dilkii loo gaystay isna AUN Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor oo todobaadkan ay Al-Shabaab ku dileen dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug

Post a Comment

0 Comments