Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku baaqay in la kordhiyo taageerada ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgallada ka dhanka ah ee alshabaab

Kooxda alshabaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane axmed moalim fiqi ayaa kaqeybgalay kulan ay isugu yimaadeen xildhibaano qaran, saraakiil sare iyo hawlwadeeno hey’adaha dawladda ee kala duwan ka tirsan kaasoo lagu garab istaagayo halganka xaqqa ah ee Khawaarijta ka dhanka ah ee ka socda Koofurta gobolka Mudug iyo daryeelka dhaawacyada jihaadkaas ku soo dhaawacmay ee Muqdisho la keenay
Kulanka oo ay ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan oo leh heerarka kala duwan ee dowladnimada kana soo jeeda deegaannadaasi ayaa lagu ballamay in Khawaarijta oo dagaalada socda lagu jabiyey haraadigooda la isdaba dhigo waxaa xusid mudan in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xaq u dirirta deegaanada ee gobolka Mudug ay ceyrsanayaan firdhadka Khawaarijta ku dhuumaalaysanaya goobo yar oo dhaxeeya Mudug iyo Galgaduud

Wasiir faqi ayaa ku baaqay in la kordhiyo taageerada ciidamada ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab faqi oo rajo wanaagsan ka muujiyay guusha laga gaaray AlShabaab ayaa tilmaamay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ay ka go’an tahay soo afjarida dagaalka lagula jiro kooxda

Wasiirka ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab uu u tagay sidii ay u garab istaagi lahaayeen una dhiiri gelin lahaayeen ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Daraawiishta iyo maleeshiyaatka Murtadiinta ee loo yaqaanno “Maousli” kuwaasi oo guulo la taaban karo oo la taaban karo kasoo hooyay howlgallada socda. hawlgallada

Dagaalka tooska ah ee lagu beegsanayo Al-shabaab ayaa barbar socda dagaallo kale oo dhanka fikirka iyo dhaqaalaha ah, kuwaasoo saameyn ku yeeshay awoodda Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo saameyntooda hoos u dhacday tan iyo sannadkii hore kaddib markii ay gacantooda ka baxday dhowr iyo toban goobood oo ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleedka taabacsan

Post a Comment

0 Comments