Dowladda soomaliya ayaa shaacisay in 1,650 Al-Shabaab ah lagu dilay labadii bilood ee lasoo dhaafay Galmudug iyo Hirshabeelle

Kooxda alshabaab

 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Al-shabaab ee labadii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacay maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle lagu dilay 1,650 Al-shabaab ah in tiradaan laga dilay Al-Shabaab labadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya oo joogto u tebisa wararka la xiriira jabka soo gaara Al-Shabaab

Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo labadii bilood ee u dambeysay si qorsheysan oo aan hakad lahayn uga socday dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay argagixisadii ku dhuumaaleysan jirtay deegaannadaas.” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda oo intaas ku daray

Dagaallo toos ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo Khawaarijta jab xoog leh gaarsiiyay ayay dowladdu sameysay labadii bilood lasoo dhaafay tirada sheegashada dowladda ee khasaaraha gaaray Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhaawacyadii gaaray dagaalyahanada kooxda 2-dii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo lagu sheegay 550 xubnood

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaacisay magacyada horjeegeyaal ka tiranaa Al-shabaab oo lagu dilay howlgalladii ka dhacay gobollada dalka, sidoo kale waxay dowladu soo bandhigtay magacyada xubno madax ah oo Shabaab ka dhaawacmay iyo kuwo weli baxsad ah

Galmudug iyo HirShabeelle waxaa ka socda dagaalka ugu culus oo dowladdu ay ku baacsaneyso Al-Shabaab, qorshaha dowladda ayaa ah in wejiga koowaad ee dagaalka kooxda lagu soo afjaro labadaas maamul goboleed madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laba bilood Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka Al-Shabaab

Kooxda oo lumisay Sh/Dhexe, bariga gobolka Hiiraan inta badan gobolka Mudug, ayaa hadda ku badan agga degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo toddobaadyada soo socda la doonayo in lagu soo afjaro madaxweynaha ayaa qorsheynaya in Dhuusamareeb uu ka shaaciyo natiijada dagaalka markii lasoo afjaro wajiga koowaad, intaas kadibna waxaa loo jiheysa doonaa wajiga labaad ee gobollada Jubbaland iyo K/Galbeed

Post a Comment

0 Comments