Kooxda Al-Shabaab oo laga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Kooxda alshabaab

 Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in howlgal wadajir ah kooxda Al-Shabaab looga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana khasaarooyin culus lagu gaarsiiyey war-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Burundi iyo Uganda ee qeyta ka ah ATMIS, Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaal-yahanada deegaanka ee Macawiisleyda

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in howlgalka uu daba socday maalmo uu socday weerar saf ballaaran ah oo dhulka iyo madaafiic ah, kaasi oo la soo geba-gebeeyey Axaddii 1-da October, si maleeshiyada Al-Shabaab looga sifeeyo kaymaha Cali Fooldheere taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding ayaa yiri “Kaymaha Cali Fooldheere waxay si gaar ah sanadihii la soo dhaafay u noqdeen goob istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ku qorsheeyaan weeraro lagu hoobto, kuna qariyaan hubka ay ka mid yihiin baabuurta loo adeegsado walxaha qarxa

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa u hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee weerarka ku guuleystay waxaan bogaadinayaa dadaalka geesinimada leh ee ay ciidamadeenna ATMIS, iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu jiraan wiiqista Al-Shabaab. ATMIS waxaa si buuxda uga go’an fulinta Qorshaha kala guurka Soomaaliya kaas oo ku dhamaan doona in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya,” ayuu yiri

Sida lagu sheegay bayaanka ATMIS, Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa hadda gacanta ku haya fariisimihii lala wareegay, waxaana ay ka sifeynayeen Al-Shabaab kooban oo ku haray deegaanno ku yaalla waqooyiga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabeelle dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin howlgalkan

Guushan ayaa ka dhigan in kooxda Al-Shabaab ay kusii dhowaatay in gebi ahaan laga saaro gobolka Shabeellaha Dhexe, oo weli qeybo yar oo ka mid ah ay ku harsan tahay, islamarkaana ku go’doonsan tahay

Post a Comment

0 Comments