Kumaandooska xoogga dalka ee Danab oo howlgal lagu burburiyey goobo Khawaarijtu Gabbaad ka dhiganaysay ka sameeyey gobolka Jubbada hoose.

Kooxda alshabaab

  Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallo culus iyo duqeymo ay maanta ciidamada Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ka sameeyeen qaybo badan oo kamid ah gobolllada Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland howlgallo ay saameeyeen saacadihii lasoo dhaafay ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya darawiishta Jubbaland ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya

Taliyaha ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee ciidanka Danab, Gaashaanle Carab Axmed Dheeg oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay ku beegsadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen dhulka hawdka ah ee gobolkaasi ayna khasaare ku gaarsiiyeen sidoo kale waxa uu tilmaamay inay burburiyeen fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen, isla-markaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada, sida uu hadalka u dhigay

Dhanka kale, wararka ka imaanaya isla Jubbooyinka ayaa sheegaya in howlgalladan ay barbar socdeen duqeymo diyaaradeed oo lala beegsaday Shabaabka ku sugan halkaasi duqeymaha ayaa waxaa lagu garaacay degmooyinka Jilib, Bu’aale, Saakow iyo deegaano kale oo hoostaga Jubbooyinka, isla-markaana ay joogaan xubnaha kooxda Al-Shabaab

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in duqeymaha lagu garaacay goobo uu shir uga socday Al-Shabaab iyo saldhigyo ay ku leeyihiin halkaasi, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray weerarkaasi dhanka cirka ah ee lagu qaaday

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, kuwaas oo ay wadaan labada dhinac jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo iyo duqeymo diyaaradeed oo khasaarooyin gaysta

Post a Comment

0 Comments