Soomaaligii gacanta ka geystay sii dayntii Nelson Mandela

Dhacdooyinka caalamka

  Xabsigii mudada dheer la galiyay Nelson Mandela ayaa ahaa dhacdadii ugu weyneyd afrika qarnigii lasoo dhaafay iyada oo maalinkii laga siidaayay xabsi ku yaala magaalada cape town uu ahaa warkii ugu weynaa ee xilligaas dhacay balse qisadaasi waxaa qeyb ka ahaa nin soomaali ah oo mas'uuliyadiisa ay ahayd in xoriyadiisa uu dib u helo mandela islamarkaasna uu waanwaan dhexdhigo dadka madowga iyo kuwa caddaanka ee dalka koonfur afrika

Cabdirixiim caabi faarax oo dhawaan geeridiisa lasoo xaqiijiyay ma ahayn nin somalida oo kaliya dhexdooda caan ka ahaa balse waa dadka tirada yar ee somaliyeed ee magaca weyn ku dhex lahaa beesha caalamka muddo dheer ayuu u shaqeeyay Qaramada Midoobay isaga oo ka gaaray illaa heerka ku xigeenka xoghayaha guud 

Waxyaabaha aadka loogu xusuusto Danjire Cabdirixiin waxaa ka mid ah markii qaramada midoobay u magacoowday gudoomiyaha guddigii la dagaalanka midab kala sooco kaas oo loo xil saaray arrimihii ka taagnaa dalka koonfur afrika halkaas oo ay ka jirtay dowlad ku dhisan midab takoor wuxuuna guddiga markii dambe ku guuleystay in xabsiga laga sii daayo nelson mandela oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo madoow ah ee dalkaas

Isaga oo ahaa ergeygii joogtada ahaa ee somaliya u qaabilsanaa qaramada midoobe mudane caabbi waxa uu beesha caalamka ka dhex noqday shaqsi saamayntiisa aad u badan tahay laga soo bilaabo sanadkii 1979-kii illaa 1990-kii waxa uu soo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay waxa uu noqday shir guddoonka golaha ammaanka sanadkii 1972-dii isaga oo sidoo kale Somaliya wakiil uga noqday laamacada carabta halkaas oo hormuud ka ahaa dadaalo waanwaan bariga dhexe oo kala duwan

Danjire cabdirixiin waxa uu ifka kaga tagay 3 carruur ah mudane caabbi waxa uu dhashay sanadkii 1919-kii wuxuuna ku dhashay dalka ingiriiska halkaas oo uu aabihiis degey xilligii gumeysigii ingiriiska gobolada waqooyi ee somaliya ay ka talinayeen isaga oo 98 jir ah ayuu ku dhintay magaalada new york ee dalka maraykanka halkaas oo uu degenaa tan iyo intii uu hawlgabka noqday sanado badan ka hor

Cali cabdi oo ka mid ah jaaliyadda somalida magaalada cardiff ee dalka ingiriiska ayaa murugo iyo tiiraanyo ka muujiyay geerida caabbi kaalintii uu ka ciyaaray aduunka gaar ahaan koonfur afrika wuxuu ahaa mid weyn qof wuxuu ahaa dadka kale la shaqayn kara carruuraha waa in iskoolka loogu dhigaa taariikhdiisa ayuu yiri cali

Duqa magaalada vale of glamorgan mr. leighton rowland ayaa sheegay in dr caabbi uu gaaray guulo aad u waaweyn oo nolosha ah waxna ka qabtay arrimo badan soomaalida waxaa ka baxay hoggaamiye sare ayuu intaas raaciya

Post a Comment

0 Comments