Nin 30 sano dhuumanayay isagoo u haystay inuu socdo dagaalkii labaad ee adduunka

Dhacdooyinka caalamka

 Bishii disembar sanadkii 1944-tii oo ka mid ah bilihii ugu dambeeyay ee dagaalkii labaad ee aduunka sarreeye guute oo reer jabaan ah oo la odhan jiray Hiroo Onoda ayaa loo wareejiyay lubang oo ah jasiirad yar oo ku taal filibiin dhawr todobaad ka dib markii ay yimaadeen dagaalyahannadii japan ee ka soo cararay weerarka maraykanka waxay gabaad ka dhigteen kaynta laakiin si ka duwan inta badan asxaabtiisa onoda ayaa jasiiradda japan ku dhuumanayay ilaa 30 sannadood

Dowladda Japan ayaa ku dhawaaqday in onoda uu dhintay 1959-kii laakiin dhab ahaantii wuu noolaa oo wuxuu fulinayay howlgal qarsoodi ah oo loo igmaday oo ahaa inuu ilaaliyo jasiiradda ilaa inta ciidamada ay ka soo laabanayaan markii uu ku soo laabtay japan 1974 onoda waxaa loo soo dhaweeyay sida geesiyada kale ee reer japan wuxuu ahaa askarigii ugu dambeeyay ee jaban ah ee ku noqda dalkiisa dagaalka ka dib xusuus-qorkiisa oo la daabacay wax yar ka dib ayaa noqday buugga ugu iibsiga badan

Wareysiiyo iyo qoraallo laga sameeyay ka dib markii uu ku soo laabtay japan ayaa waxaa uu sheegay onoda in uu aqbali waayay in japan dagaalka lagaga adkaaday dad badan oo ku nool dibada japan ayaa waxay u arkaan qisada onoda mid cajiib ah balse boqortooyada japan ayaa u aragta in ficilladiisa ay ahaayeen kuwa caqli gal ah onoda waxaa uu u dhaartay in uusan is dhiibin islamarkaana uu u dhinto boqorkiisa balse taasi ma dhicin

Hawlgalka onoda wuxuu ahaa in la burburiyo marinka hawada ee dekedda lubang laakiin wuu ku guul daraystay oo markii ciidamadii cadawgu ay la wareegeen gacan ku haynta jasiirada isaga iyo asxaabtiisuba waxay gabaad ka dhigteen kaynta dagaalku wax yar ka dib wuu dhamaaday laakiin onoda iyo sadex kale ayaa ku haray keynta oo ma aysan rumaysnaynayn warkaaasi iyaga oo ku khaldamay warqadaha lagu daadiyay lubang

Waxay ku sii dhuumanayeen duurka oo ay daris la noqdeen maska iyo quraanjada iyagoo quudan jiray qolof mooska qumbaha iyo bariis la soo xaday si ay u noolaadaan iyagoo aaminsan in cadowgu uu maleeyo inay dhinteen onoda waxa uu xusuus qorkiisa ku qoray in sanadkii 1959 isaga iyo saaxiibkii kinshichi kozuka ay sameeyeen fikrado badan oo aynaan awoodin inay fahmaan wax aan iyaga ku haboonayn kozuka ayaa ugu dambeyntii toogtay oo dilay bilayska maxalliga ah bishii oktoobar 1972

Laakiin onoda wuxuu keligii ku haray jasiirada oo uu sii joogay 18 bilood oo kale ilaa kulan uu la yeeshay sahamiye japanese ah oo magaciisu yahay norio zuzuki 15 bishii August 1945 boqorkii sare ee japan hirohito ayaa waxaa uu sameeyay wax uusan boqor kale sameyn waxaa uu idaacadda ka sheegay in hubka atoomikada lagu burburiyay hiroshima iyo nagasaki maalinkii bamkii labaad ee atoomikada lagu duqeeyay japan ayaa waxaa uu joseph stalin ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Japan 

Islamarkiiba waxa ay ciidamada soofiyeedka gaareen goobta lagu magacaabo manchuria muddo toddobaadyo ah gudahood ayaa waxay ka dageen jasiirada ku taalla waqooyiga ee lagu magacaabo hokkaido boqorkii japan hirohito ayaa waxaa uu aqbalay in isu dhiibidda mareykanka ay tahay khiyaarka kali ah ee u furan hawlgalka suzuki waxa uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday oo uu sabab u noqday in dagaalkii onoda uu dhamaaday bishii maarso 9, 1974 Isbahaysigii dagaalkii labaad ee aduunka ku guulaystay ayaa maxkamadeeyay 28 shaksi oo uu ka mid ahaa xubnihii hogaaminayay japan dagaalkii labaad ee aduunka

7 sargaal oo uu ka mid ahaa rai'iisal wasaarihii japan hideki tojo ayaa la daldalay balse waxaa sidoo kale jira saraakiil kale oo aan la maxkamadeyn waxaana ka mid ahaa dhaxal-suge yasuhiko asaka oo adeer u ahaa boqorkii japan iyo waliba sarkaalkii hogaaminayay ciidammadii japan ee kufsigii arxan-darada ahaa ka geystay caasimaddii shiinaha ee xilligaasi nanjing in saraakiishaasi aan la maxkamadeyn ayuu u arkaa macarthur tallaabo xun oo lagama maarmaan ahayd qofka kale ee ka baxsaday in la maxkamadeeyo ayaa ahaa nobusuke kishi

Haddaba markii uu dhintay hiroo onoda 2014 isaga oo ay da'diisu ahayd 91 jir afhayeen u hadlay ra'iisul wasaare abe ayaa si aad ah uga tacsiyeeyay afhayeenka kama uusan hadlin dhibaatadii uu geystay dagaalka uu kaligii ku jiray iyo dadkii tuulooyiinka philippine ee uu dilay ka dib markii ay japan is dhiibtay afhayeenka rai'sul wasaare Abe ayaa taa badalkeeda hiroo onoda ku tilmaamay halyeeyka dalka japan

Post a Comment

0 Comments