Maxaad Ka Taqaan Waddan Ay Ku Nool Yihiin In Ka Badan 27 Kun Oo Caruur Budhcad Ah?!

Dhacdooyinka aduunka

 Warbixin uu soo saaray guddiga carruurta ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in england ay ku nool yihiin ilaa 27 kun oo caruur burcad ah burcaddan ayaa da’dooda la sheegay inay u dhaxeyso 10 sano ilaa iyo 17 sano jir warbixinta ayaa intaas ku dartay in 313,000 oo caruur ah ay yaqannaan xubnahaasi budhcadka ah halka 34,000 oo kamid ahna ay dhibaato kala kulmeen budhacdda

Anne Longfield oo kamid ah guddiga carruurta ayaa sheegay in burcadda ay adeegsadaan xeelado aan la fahmi karin si ay u tababaraan carruurta kale ayna daacad ugu noqdaan wasaaradda arrimaha gudaha ee britain ayaa sheegtay inay ka go’an tahay sidii loo difaaci lahaa carruurta la duufsado ee kamid noqday kooxaha budhcadda ah sida ku cad warbixinta carruurta burcadda ah ayaa dhibaateeya kuwa kale ee u nugul falalkan iyo kuwa ka xanuunsan dhimirka ee ay qoysaskoodu dayaceen 

Gabadh la baxday magaca sarah oo aan ahayn magaceeda rasmiga ayaa ku biirtay kooxaha budhcadda iyadoo 12 sano jir waxaana ay sheegtay in xilligaasi ay tacadi kala kulantay ehelkeeda oo ay la noolayd waxay BBC-da u sheegtay inay isticmaasho maandooriye ay kamid tahay kokeyn-ta walaalkeed iyada ka yarna wuxuu hore ugu biiray kooxaha budhcadda ah sarah ayaa sidoo kale cabta khamriga oo waxaa ay gaartay heer lacag darteed ay jirkeeda ka ganacsato

Warbixinta ayaa waxaa kale oo lagu xusay in dowladda dalkaasi ay ka warqabto oo keliya 6,500 oo ka tirsan kooxaha buracadda balse aysan warba u heyn kuwa kale ms longfield oo ka mid ah guddigii warbixinta soo saaray ayaa intaa raacisay in calaamadaha lagu garto in carruurta ay ku biirayaan kooxahani ay kamid tahay carruurta oo isaga taga waxbarashada halkii carruurtan looga arki lahaa in nolashan ay tahay mid ay doorteen waxaan doonayaa in dadku ay u arkaan inay tahay arrin u baahan in caruurta laga difaaco 

Sidoo kale loo arko inay tahay kuwa u nugul dhibaatada ayay raacisay qaar kamid ah hay’daha dalka ingiriiska ee u dhaqdhaqaaqa arrimaha carruurta ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid laga walwalo maadaama mas’uuliyiinta dowladda aysan ka warqabin guddoomiyaha guddiga carruurta ee dalka britain ayaa dowladda dalkaasi ugu baaqday inay mudnaan siiso sidii looga hor tagi lahaa carruurta ku biiraya kooxaha burcadda anagaoo ka jawaabeyna warbixintan

Waxaan soo jeedinayaa in dhinacyada ku howlan arrimaha carruurta oo ay kamid tahay dhanka waxbarashada adeega bulshada iyo caafimmaadka inay wada shaqeeyaan si wax looga qabto arrintan iyadoo na loola tacaalayo sida caafimmaadka dadweynaha waxaan lacag dhan 220 milyan oo gini aan ku taageri doonnaa caruurta iyo dadka da’da yar ee khatarta ugu jira inay ku biiraan kooxaha buracadda ah ayay tidhi aad baan u yareyn xiligaasi oo waxaanu helnay lacag aad baan ugu faraxsaneyn lacagahaasi aanu heleynay waxbadan kama aanan ogayn waxa socda ayey tidhi


Post a Comment

0 Comments