Guddoomiyihii degmada Qoryooley oo qarax lagu dilay

 

Qarax Miino ah

 Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helaya qarax goordhoweyd ka dhacay degmada qoryooleey ee gobolka shabeellaha hoose kaasi oo lagu dilay guddoomiyihii degmadaas Sayid Cali Ibraahim qaraxa ayaa la sheegaya in uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso wuxuuna ka dhacay meel aan ka fogayn maqaayad u dhow bundada degmada qoryooley

Wararka ayaa intaas kusii daraya in sidoo kale qaraxaas ay ku geeriyoodeen qaar kamid ah ilaalada guddoomiyaha la socotay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa amaanka degmada qoryooleey ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay iyaga oo halkaasi kasoo qaaday meydka guddoomiye sayid AUN iyo qaar kamid ah ilaaladiisa 

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska ehelada, iyo dhammaan ummadda soomaaliyeed ee uu ka baxay alle ha u naxariistee gudoomiyihii degmada qoryooley siid cali ibraahim oo ku geeriyooday qarax ay al-shabaab kula beegsatay degmada qoryooleey

Madaxweyne laftagareen ayaa tilmaamay in marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay qaranka soomaaliyeed laguna xasuusto doorkii uu ku lahaa nabadaynta bulshada degmada qoryooley iyo sida uga go’nayd inuu u adeego shacabka soomaaliyeed ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya iyo kuwa amaanka degmada qoryooleey ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay iyaga oo halkaasi kasoo qaaday meydka guddoomiye sayid AUN iyo qaar kamid ah ilaaladiisa

Guddoomiyaha ayaa hoggaaminayey degmada qoryooley muddo dheer waxaana u suurtogashay in ciidan boolis oo degaan ay degaankaas gacanta ku hayaan muddadaas amnigeedana ilaaliyaan mas’uuliyadda dawlada soomaaliya ayaa cambaareeyey dilkan qaraxyada noocan oo kale ayaa inta badan waxaa fulisa kooxda al-shabaab hase yeeshe illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda kaasi oo la xiriira qaraxa lagu dilay guddoomiyaha

Post a Comment

0 Comments