Fannaanka Abshir Gaarane ayaa sheegay in C/llaahi Kullane uu mas’uul ka ahaa jirdilkii loo geystay

 

xadgudubyadii dawladii farmaajo

Fannaanka Abshir Gaarane Axmed oo muddo sanad iyo saddex bilood ah u xirnaa ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegay in jirdil xooggan loo geystay ilaa uu ka qiranayo ku biirista Al-Shabaab, waxaana uu hadda soo bandhigay ninkii ka dambeeyay dhibaatadaas.

Abshir ayaa sheegay in C/llaahi Kullane uu mas’uul ka ahaa jirdilkii loo geystay isagoo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee NISA waxa uu sheegay in Farmaajo oo ay isku heyb ahaayeen,in kiiskiisa uu ka war qabay bilow ilaa dhamaad, isla markaana ay ehelkiisu ay la kulmeen ugu yaraan labo jeer, balse uu dowladiisii ka waayey wax cadaalad ah.

Wuxuu sheegay in qolka lagu jir dilay ee sagaalka maalmood lagu haayey uu ku dheganaa xafiiska Ibraahim Macalin oo ahaa taliyaha NISA ee godka Jilicow, kaas oo ugu dambeyntii loo geeyey, taleefankiisana uga duubay muuqaalka lagu baahiyey bogga NISA.

Fanaan abshir gaarane wuxuu intaas ku sii daray in shaqadii uu ka heystay gobolka banaadir loo diiday inuu dib ugu laabto bulshada uu kala kulmo takoor xun ilaa hadda uusan shaqo helin sababta loogu diidayana ay tahay sumcad dilkii ay ku sameysay dowladii farmaajo gaar ahaan xubnihii u joogay hoggaanka hey’adda nisa

Abshir Gaarane ayaa daboolka ka qaaday in NISA ay gashay dambiyo waaweyn 5-tii sano ee lasoo dhaafay oo ay kor ka ilaalinayeen Farmaajo&Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay in lagu xad-gudbay Muqdisho oo uu ku soo barbaaray, dhaxdeeda isla markaana aan cadaalad ka helin ilaa hada

Fannaanka Abshir Gaarane ayaa ugu danbeen u direy baaq Dhamaan masuuliyiinta dowladaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha, Taliyaha NISA Mahad Salaad, duqa Muqdisho iyo baarlamaanka dalka inay cadaalad u raadiyaan.

 

Post a Comment

0 Comments