Habeen hore xili dambe ayey ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay gurigiisa kasoo xireen wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo dhawaan wareysi xasaasiya la yeeshay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo hadda ku jira xabsi guri
Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo ka tirsan idaacadda Kulmiye, ayaa qaaday wareysigii lala yeeshay Abuukar Cumar Cadaan ee uu ku teegeeray Al-Shabaab, waxaana loo haystaa inuu faafiyey wareysi khatar gelin kara amniga ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, iyo inuu faafiyey hadallada qof taageersan Al-Shabaab.
Fartuun Kulmiye Caddow oo ah gabadh la dhalatay wariyaha ayaa qaabka ay ciidamadu uga soo xireen gurigiisa ku tilmaamtay mid argagax leh, maadama ay ciidamadu ay albaabka kusoo jebiyeen, isla markaana ay cabsi xoogan ku abuureen hooyadii iyo caruurtii yar-yareyd ee kula sugneyd guriga.
Waxay sheegtay in ciidamada la baxay wariyaha ay xiligaasi ku dhawaaqayeen ereyo cabsi galin ah, iyadoona xustay in dhowr jeer ay ku cel-celiyeen inay dilayaan, midaasi oo argagax kale ku noqotay qoyskiisa.
Xariga
wariyaha ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, iyada oo maamulka idaacada uu ka
tirsanaa ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo ka hor-imaanaya sharciga
saxaafada.
Abwaan
Cismaan Guure oo kamid ah madaxda sarre ee idaacada Kulmiye ayaa isaguna markii
u horeysay sheegay in wariye Kulmiye uu ku xiran yahay godka jilacow ee ku
yaala xabsiga nabad-sugidda.
0 Comments