Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,
oo soo saaray qoraal ku aadan munaasabadda 26-ka June, ayaa sheegay in
Soomaaliya ay haysato fursad taariikhi ah oo ay ku sixi karto khaladaadkiii ka
dhacay.
“Xuska sannad guurada 62-aad ee maalinta
xoriyadda 26ka Juun, waa fursad aynu ku sixi karno wixii naga qaldamay
muddadaas, sidoo kale aan ku xoojin karno dhaqamada wanaagsan ee ay ka siman
yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan is-caawinta, isu qalbi
furnaanta iyo adkeynta midnimadooda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
“Dadka Soomaaliyeed waxa ay si weyn u garoowsan
yihiin dhibaatooyinka ay leedahay colaadda iyo khilaafaadka sokeeye ee dib u
dhigay dowladnimadeenna. Maanta waxaan haysannaa fursad taariikhi ah oo
shacabkeennu ay ku heshiiyaan, ku mideeyaan caqligooda, cilmigooda, cududdooda
iyo jacaylka walaalnimo ee ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed, taas oo aan
weligeed duugoobayn,” ayuu yiri.
Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka
cudur daaranayo ka qeyb-gal la’aanteyda munaasabadda 26-ka Juun, maadaama uu, sida
uu yiri, u hoggaansanahay talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira
COVID-19.
Waxa uu ugu dambeyn ku baaqay in la caawiyo oo
la garab istaago dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu ku dhufatay.
“Munaasabadda Todobaadka Xorriyadda awgeed,
waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in aan wadajir ugu istaagno
dadkeenna la tacaalaya duruufaha nololeed ee adag ee ka dhashay abaaraha ku
habsaday dalkeenna, taasina ay tahay dabbaal degga ugu wanaagsan ee aynu u
muujin karno Todobaadka Xorriyadda,” ayuu yiri.
0 Comments