Farmaajo oo bilaabey inuu taageerayaashiisa u adeegsado iney weerar ku qaadaan dawlada cusub

 

farmaajo

Agaasimihii hore ee Machadka cilmi baarista siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa markii u horeysay si weyn ugu dhaliilay kaligii taliye farmaajo taageerayaashiisa u adeegsanaayo iney weerar ku qaadaan madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha cusub Xamza Cabdi.

Waxa uu sheegay in taageerayaasha Farmaajo aysan u hogaansamin dimoqraadiyada ee looga adkaadey, taasi badalkeedna ay doorteen inay qaadan dacaayado iyo weeraro ka dhan ah dowladda cusub.

Markii isbaddal doonku ay dalka la wareegeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taageerayaasha Farmaajo ayaa isku dayaya inay wiiqaan shaqada dowladda cusub ee wax qabadkeeda ku soo muu jisey bishii ugu horeeysey si aysan shacabka u dareemin inuu Farmaajo ku fashilmay maamulkii dalka oo kuwii badaley dardar galiyeen wax u qabadka dadkooda

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku socda weerar iyo been abuur oo ay wadaan kooxo NN ah oo taageera Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxay ahayd in ay u hogaansamaan dimoqraadiyada ee looga adkaadey

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Kooxahaas baal marsan dimoqraadiyada ee doonaya inay curdanka ku naafeeyaan dowladnimada loo soo halgamey, waa in la xasuusiyo in hoggaanka laga fara-maroojiyey rag awood iyo xoolo haystey aysanna #RATS (remnants of authoritarian & terminated system) hor istaagi kari.”

Sidhookale waxa uu sheegay in farmaajo uu jeediyo hadallo uu ku sheegayo inuu taageersan yahay dowladda, cusub isalamarkaane ka duwan tillaabooyinka uu hoosta kawado ee uu ku burburinayo dowladnimada saxda ah ay shacabka soomaaliyeed heleen kadib 30 sano oo jahwareer ah

           

Post a Comment

0 Comments