Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Bishii ugu horeysay xukunka sameeyey Guddiga dib u eegista Dastuurka ah

 

xasan sheekh

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay yeesheyn kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo ay uga hadlayeen Dhismaha iyo shaacinta Xubnaha Guddiyada Golaha Golaha Aqalka Sare iyo Ansixinta Xubnaha Guddiga Wadajirka ee Dastuurka.

Ugu Horeyn fadhiga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay soo xaadirtay 44 Senator ayaa laga hor akhriyay xubnaha Golaha Aqalka Sare ku matala Guddiga Wadajirka ee Dastuurka oo ka kooban 5 xubnood oo ka kala imaanaya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Xubnaha Guddiga Dastuurka ee ku matalaya Golaha Aqalka Sare ayaa kala ah:

Xasan Xuseen Xaaji oo ka mid ah Senatorada Koonfur Galbeed.

Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid ) oo ka mid ah Senatorada Galmudug.

Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) oo ka mid ah Senatorada Jubaland.

Saalax Axmed Jaamac oo ka mid ah Senatorada Soomaaliland.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah Senatorada Jubaland.

Magacaabista guddiga ka dib Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u qaaday codka golaha, Tirada soo xaadirta oo aheyd 44 ayaa waxaa ogal u codeysa 43 Senator halka uu hal Senator uu diiday, sida uu yiri Guddoomiyaha Golaha isaga oo sheegay in uu sidaas ansax ku yihiin xubnahaan.

xubnahan ayaa waxaa kusoo biiri doono xildhibaanno kale oo laga soo xuli doono golaha shacabka waxayna si wadajir ah uga shaqeyn doonaan dhammeystirka dastuurka dalka Farmaajo 5-tii sano ee uu xilka hayay wuxuu ku guul dareystay inuu meel mariyo dastuur Soomaaliyeed

farmaajo ayaa sidhokale ku guuldareystay inuu meel mariyo dastuurka dalka 5-tii sano ee uu xilka hayay wuxuuna ka shaqeynayey in aan la dhameystirin dastuurka iyo in aan la dhisin maxkamadda sare ee dastuuriga ah si uusan u helin cid ka hortimaada kalitalisnimadiisa wuxuuna faragelin xoogan ku haayey hay'addihii dastuuriga iyo kuwa garsoorka oo aan u madax banaaneyn shaqadooda 

Farmaajo waxa uu ka shaqaynayay in aan la dhameystirin dastuurka iyo in aan la dhisin Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah si uusan u helin cid ka hortimaada kalitalisnimadiisa.

Madaxweyne Sheekh Maxamuud ayaa qaadaya tallaabooyin dhab ah oo uu ku doonayo in lagu meel mariyo dastuur joogto ah oo ilaaliya federaalka, xoojinta wada shaqeenta ka dhexeysa maamul gobolleedyada iyo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed.

Bishii ugu horeysay ee xukunka Madaxweyne Sheekh Maxamuud, wuxuu doortay xubnaha Guddiga dib u eegista Dastuurka, taasoo ah tallaabo uusan qaadin Farmaajo muddo 5 sano ah.

 

Post a Comment

0 Comments