Farmaajo iyo kooxdiisa oo bilaabay olole lagu marin habaabinayo shacabka

 

farmaajo

ololaha kooxda Farmaajo ay ku doonaayan in ay dadweynaha uga uruurinayaan lacag guri loogu dhisayo madaxwaynihii 9aad ee Soomaaliya uu yahay "mid lacag taala Muqdisho lagu dhaqayo".

Illo xog-ogaal ah ayaa sheegey iney magaalada Muqdisho lagu hayo lacag farabadan taas oo loogu talagalay in lagu bixiyo doorashadii Madaxweyne ee 15 May ka dhacdey Muqdisho balse aan la isticmaalin.

Xogtaan ayaa sheegeysa in barnaamijkaan lacag ururinta loo isticmaalayo in lagu sharciyeeyo lacagahaan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore Mohamed Abdulaahi Farmaajo ayaa guriga aad ujeedid ku kireystay $30,000 bishii waxaana la wada shubay lacagta kirada Ee 4 Sano oo ah $1,400,000 ($1.4M).

Dhagar-qabe farmaajo iyo gangska la shaqeesta waxa ay muqdisho ka bilabeen barnaamij forex cusub oo ay ku shegeen in guri loogu dhisaayo edeysane farmaajo oo dambiyo waaweyn ka galay shacabka muqdisho waxaan fareynaa laamaha amaanka somalia iyo bangiga dhexe waxaan kula talinaya in ay xiraan akoonada kooxdaan maafiyada ah ay ka furteen bangiyada muqdisho si loo bad-baadiyo hantida shacabka muqdisho ee la doonayo in lagu dhaco qaab forex ah

Akoonadan waxaa looga dan leeyahay in loo adeegsado in lagu been xalaaleeyo hantidii qaranka ee la xaday hanaan lagu sharciyeynayo hanti aan sharci aheyn sharci-ilaaliyayaasha gaar ahaan dalalka ajnabiga ah ee ay degan yihiin deeeq-bixiyeyaasha dadka bixinaya lacagta guri dhiska waa inay baaraan akoonadan inkasta oo aan la ogeyn heerka ay gaarsiisan tahay lacagta uu shaqsiyan haysto farmaajo 

Ujeedka dhaqaale uruurintan ayaa ah in la sii marin habaabiyo shacabka la marin habaabiyay shantii sano ee la soo dhaafay, loona sheego in Farmaajo uusan haysan lacag uu guri ku dhiso oo hadda uu ku nool yahay guri kiro ah.

 

Post a Comment

0 Comments