Fahad Yaasiin wareysigiisa mudadaan socday waxa uu ahaay mid uu uga baxsan rabo maxkamada

 

fahad yasiin

Fahad Yaasiin ayaa ka been sheegay sheegashadiisa in Mahad Salaad uu mas’uul ka ahaa afduubkii Ikran Tahliil waxaa taas cadeyn u ah camiradaa qabatay gaariga lagu afduubey oo laheyd hay'aadda NISA fahad waxa uu rabaa inuu qalalaaso ku furo dawlada cusub

Fahad ayaa isku dayaya inuu Mahad Salaad ku soo oogo dilka Ikraan Tahliil sababtoo ah wuxuu ogyahay in Mahad Salaad uu furi doono galka dambiyada Nisa gashay shantii sano ee la soo dhaafay kadib markii uu qabtay xilka madaxa hay’adda taasoo horseedi doonta in dacwad lagu soo oogo Fahad Yaasiin maxkamadna la soo taago

Fahad Yaasiin: Laga soo bilaabo xagjirnimada diinta ilaa xagjirnimada siyaasadeed Waxaa laga yaabaa in korriintiisii ​​hore ee xag-jirnimada diineed ay saameyn ku yeelatay xirfaddiisa siyaasadeed, taas oo keentay inuu isu beddelo xagjirnimo siyaasadeed, u janjeero inuu kan kale ee ka soo hor jeedo uu qaarijiyo

wareesiga ee taxanaha ahaay ee fahad waxa uu ahaay mid uu ku doonaayo in uu ku carqaladeeyo dawlada dalka ka curatey ee dhamaan shacabka soomaaliyeed ay rajada ka leeyihiin in ay dalka ka saarto dhibaatada ay u geesteen farmaajo iyo fahad umada iyo dalka 5 sano ee lasoo dhaafey

Dhamaan shacabka soomaaliyeed waa diideen wareysiga fahad Kuwase u dheganugul waa inta qalbiga Ka xanuunsan cuqadadana qaba iyo kuwo Garaadka iyo garshada ka aradan waxaan saas u leeyahay markii ikraan lawaayay nisa waxay sheegtay in shabaab dileen

shabaabka oo lagu yaqaano waxay sameeyaan ineysan lagaban wey iska diideen banaanka beyna iska mariyeen ninkii shalay awooda ciidan dhaqaale iyo mid dowladeed-ba gacanta kuhaystay una bareeray inuu ikraan dilo maantuu fara maran yahay lagama yeelaayo rooble alcadaala iyo mahad salaad bey ikraan ku maqan tahay waxaan rajeey-nayaa in sharcigu sareeyo cadaaladuna hirgasho

Hadalka Fahad Yaasiin iyo sheegashada ah in aan mas’uul ka ahayn dilka Ikraan waa been uu ku doo naayo in uu uga baxsado maxkamada maadaama uusan haysan xasaanad uu ku gabado

Madaafiicda lagu garaacay xarunta baarlamaanka kadib guushii Maxamed Nuur Madoobe ee guddoonka baarlamaanka ma ahan Mahad Salaad sida uu ku eedeeyay Fahad Yaasiin Weerarkii lagu qaaday hoyga RW ee Villa Somalia, ma ahayn Mahad Salaad waxa dhamaan geestey waa fahad iyo farmaajo

 

Post a Comment

0 Comments