Qarax ayaa lala beegsaday laba xubnood oo hore uga tirsanaa baarlamaanka somalia


A C-WARAR 

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa waji kale u yeelay qaraxii maanta Magaalada Muqdisho lagula beegsaday laba Xildhinaan oo hore, islamarkaana ka mid ah odayaasha beesha Mudullood.

Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay facebook ayaa muujiyey in qaraxan aysan ka dambeysan kooxda Al-Shabaab, balse uu socdo beegsi ka dhan ah odayaasha beel gaar ah.

Mahad Salaad ayaa sheegay inuu  maalmo ka hor uu ka digay miinooyinka soo booda oo Muqdisho lasoo dhoobay, taasoo la doonayo in lagu sameeyo  shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay inuu mar labaad qaraabada uga digayo inaan lagu leynayo shaar Al-Shabaab, islamarkaana aan laga shaqeynayo sidii loo dabar goyn lahaa sida uu hadalka u dhigay.

“Duqowda Mudulood ee maanta miinada loo dhigay caafimaad degdeg ah Allaha siiyo. Maalmo ka hor ayay ahayd markaan idiin sheegay in Muqdisho la soo dhoobay. Waxaan mar kale ku celinayaa shaar Shabaab inta la idiin soo gashado yaan la idin dabargoynin ee qaraabooy hala isjiro!,” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Qaraxa maanta oo ka dhacay agagaarka Igoyska Beyxaani, jidka u dhaxeeya Shibis iyo Kaaraan, islamarkaana ahaa miino la dhigay waddada dhinaceeda ayaa lala beegsaday Laba Xildhibaan oo hore oo lagu kala magacaabo Muxiyadiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraalle Caddaan.

Hadalka ku xigeenka baarlamaanka Mahad Salaad wuxuu cadeynayaa ku lug lahaanshaha sirdoonka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Fahad Yaasiin fulinta dilalkaan.

Beegsiga sheekhyada qabaa'ilka ayaa ka tarjumaya cabsida dowladda ee saameynta fikradahooda ku yeelan karaan dariiqa Soomaalida.


Post a Comment

0 Comments