Fahad yaasiin oo ka fashilmey qorshe uu ku doonaaaye in kursiga laaloosh loogu fasoxo

RW rooble & fahad yasiin


Ra’iisul Wasaaraha  Xukumadda federaalka Soomaaliya  mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray Guddiyaddii doorashada  dadban , isagoo uga mahadcelyay  sidii wanaagsanayd ee ay u gudteen Waajibaadkoodii.

Rooble ayaa qoraalkiisa ku sheegay in kuraasta guddigu horey u hakiyey ay doorashadooda qaban doonaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyagoo raacaya habraacyadii doorashooyinka xubnaha labada aqal

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa kadib markii uu ka war helay qorshe uu damacsanaa guddiga FEIT ayna ku fasaxayeen kursiga #HOP086 ee Fahad yasin sidoo kalena ay ku qaadanayeen lacag kabadan 1.5 milyan oo dollar

Fahad Yaasiin oo isku dayey inuu ka baxsado Garsoorka ayaa 1.5 milyan oo laaluush ah siiyey guddiga doorashada si uu ugu mid noqdho baarlamaanka, balse Roobley ayaa meesha ka saaray rajadii uu ka qabay inuu ka baxsado garsoorka, wuxuuna kala diray guddiga doorashada

dhamaan Shacabka somaliyeed ayaa si weeyn u soo dhaweeyey talaabadii uu Rooble ku kala diray gudiyada doorashada si looga hortago fal-dembiyeedka cusub ee Fahad Yaasiin damacsana ka dib markii uu laaluushay guddiga doorashada wuxuna u baxsaday markii hore Turkiga wuxuna rabaa inuu ku soo laabto BFS

Fahad waa eedaysane ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana loo heystaa Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Ciidanka NISA, tan iyo bartamihii sanadkii horena ay u xiran tahay, halka RW Rooble oo isna lala xiriirinayo dilkii AUN. Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

u baxsidka Fahad Yaasiin dalka ee Turkiga iyo ku guuldarreysiga uu ku soo laaban waayey ayaa waxa ay cadeen u yihiin dembiyada waa ween ee uu dalka ka galay oo eey waajib tahay in maxkamad lagu soo taago.

 

 


Post a Comment

0 Comments